Hargeysa (Dawan)- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargaysa ayaa shalay gelinkii danbe waxay soo bad-baadiyeen Gabadh Suuli ku dhacday xaafadda jameeco weyn ee degmadda Maxamuud Haybe.
Gabadhan oo Suuliga ku dhacday ayaa markii dadkii la joogay ay awoodi waayeen in ay ka soo saaraan waxay la soo xidhiidheen ciidamadda Dab-demiska caasimadda, iyadoo isla markiiba ay ciidamadu gaadheen goobtaasi.
Waxaanay ciidamadu markii ay gaadheen guriga uu ku yaalo Suuliga ay gabadhaasi ku dhacday si dhakhso ah u bilaabeen hawlgalkoodii bad-baadinta, kuwaasi oo adeegsanayay Xadhko iyo Salaamo.
Hawlgalkaasi ay ciidamadda Dab-demisku ku bad-baadinayeen gabadhaasi ayaa qaatay muddo hal saac iyo badh ah, hase yeeshee waxay ku guulaysteen in ay soo bad-baadiyeen gabadhaas ku cadibnayd Suuliga.
Dr. Maxamuud Xaashi Cali, oo ah hogaanka waaxda caafimaadka ee ciidanka Dab-demiska oo isagu hawl-galkaasi hogaaminayay ayaa ciidamadda uga mahad celiyay sida hawl-karnimada, kartida iyo shaqo wanaaga leh ee ay u guteen waajibaadka ay qaranka u hayaan.
Isagoo xusay in ciidanka Dab-demisku aanay badbaadin waxyeelada Dabka oo kaliya balse Ciidanku markastaba heegan u yahay badbaadinta Dabka iyo wixii kalee gargaar Biniaadanimo ku saabsan.
Dadweynihii ku soo xoomay goobtaasi iyo eheladii gabadhan ku dhacday Suuliga ayaa iyagana ciidanka Dab-demiska uga mahad naqay qaabka ay u bad-baadiyaan gabadhaas iyo sida markiiba ay uga soo jawaabeen yeedhmadii iyo gurmadkii ay waydiisteen.
Waxaanay sheegeen in dedaalka ay dadkooda ugu shaqaynayaan ay halkaa ka sii wadaan.
Ugu dambayn ciidanka Dab-demiska ayaan ku koobnayn Samatabixinta aafada Dabka balse waxaa ciidanku ka shaqeeyaa bad-baadda arrimaah kala duwan ee dhinaca bani’aadanimadda.
Waxaanay todobaadkii u horeeyay ciidanku soo bad-baadiyeen muwaadin Gaadhigiisa uu qaatay Dooxa weyn ee magaaladda Hargeysa.
Xafiiska warbaahinta ciidanka dabdamiska
Dawannews Hargeysa office