Guddiga ka-soo- kabashada Abaaraha oo Kaalmo Lacageed ka Guddoomay Shaqaale ka Hawlgala Hay’ado Caalami ah

0
367

Hargeysa(Dawan)- Sheekh Maxamed Cali Geeddi  oo ka mid ah Guddiga ka soo kabashada abaaraha, ayaa ugu baaqay dadkii lacagaha balanqaaday in ay oo bixiyaan wixii ay ku yabooheen isla markaana ummadda u caddeeyay in ay ammaan ka tahay lacagta guddiga soo gaadhaa dawladda oo ay ka madax bannaan tahay isla markaana  ay gaadhayso halkii loogu talogalay.

 

Waxa kaloo  uu intaa ku daray in ummaddu marka ay isku tashato ee ay wax wada qabsato in ay  meel gaadhi karto, waxaannu sidaa ka sheegay mar uu shalay Wasiirka Qorshaynta Maxamed Ibraahin (Qabyo-tire) kala wareegayay lacag dhan 13 Kun oo Dollar oo ay soo bixiyeen shaqaalaha hay’adaha Care Intranational iyo FAO  oo ku soo hagaajiyay wasiirka isla markaana uu guddiga ku wareejiyay.

 

 

Wasiir Qabyo tire oo lacagta  kaalmada ah ee ay shaqaalaha labada Hay’adood ugu tabaruceen kasoo kabashada abaaraha ay soo gaadhsiiyeen oo shalay ku wareejiyay gudiga ayaa sheegay in labadan hay’adood madaxdooda iyo shaqaalahooda dalka ka hawl gala in ay ka soo jawaabeen baaqii Xukuumadda isla markaana ay soo bixiyeen lacag ay iskood iskaga soo uruuriyeen taasoo ka mid ah qorshayaasha ay Xukuumadda Somaliland ugu talo gashay in loogu gurmado dadkii abaaraha ku tabaaloobay si dib loogu soo kabo noloshooda.

Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “maanta(shalay) waxaan ku wareejinayaa gudiga kasoo kabashada abaaraha ee heer qaran lacag  cadadkeedu dhan yahay 13 kun oo Dollar oo ay soo dhiibeen shaqaale waynaha labada hay’adood ee Care Intranational iyo FAO oo ay iska soo jareen guud ahaan shalaalaha iyo madaxda labadan hay’adood ee dalka ku sugan taasoo ka mid ah qorsheyaasha Xukuumaddu ay ugu talo gashay in dadka abaaraha ku tabaaloobay aynu dib noloshooda ugu soo kabno waxaanan hore Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo  kuwa caalamiga ah ee dalka ka hawl galaba aanu ku nidhi ka qayb qaata sida shaqaalaha dawladda iyo kuwa bulshaduba uga qayb qaadanayaan idinkuna uga qayb qaata markaa aad iyo aad ayay ugu ammaanan yihiin in ay ka soo jawaabaan labadan hay’adood Care waxay soo bixisay oo ay iisoo wakilatay 10 kun oo Dollar halka ay Fao-na iisoo wakiilatay 3 kun oo Dollar markaa anna waxaan 13 kaa kunba aan ku wareejinayaa oo ay ku dhacaysaa qasnada gudiga kasoo kabashada abaaraha ee heer qaran,waxaa kale oo aan ugu baaqayaa Hay’adaha kale ee dalka ka hawl galena in ay  ku daydaan labadan  hayadood oo ay iska jaraan wixii ka go,aya iyadoo ay hore hay’ahada Islaamiga ah ee dalka ka shaqeeyaa  ay lacago aad u badan na soo gaadhsiiyeen kuwii caalamiga ahaana labadan ayaa ugu horreeya.”

Intaa ka dib Wasiirku waxaa uu ku wareejiyay lagactii  labada hayadood u soo wakiisheen Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah gudiga kasoo kabashada abaaraha ee heer qaran.

Sheekha oo isna hadal kooban goobta ka jeediyay ayaa uga mahadnaqay shaqaalaha labada hayadood sida damqashada leh ee ay u soo taakuleeyeen dadka abaaraha ku tabaaloobay waxaanu ugu baaqay dadkii iyo shirkadihii lacagaha ku balan qaaday ee aan wali keenin in ay soo bixiyaan wixii ay ballan qaadeen, waxaannu yidhi; “Marka ay dhibaato innagu dhacdo ee aynu yaabno ayaynu dambaabnaa oo aynu nidhaahnaa deeq bixiyeyaashu hana soo gaadhaan taasina waa dambi kale deeq bixiyeyaalna maaha deeqna ma hayaan ALLE ayaa deeq bixiye ah,umadduna haddii aanay isku tashan oo aanau wax wada qabsan meel ma gaadho,waxaa jirtay  dad badan oo balan qaaday kaalmo wixii la badal qaaday badankeediina namay soo gaadhin waxaan leeyahay dadkii wax  balan qaaday wixii aad ballan qaadeen eed ku yaboohdeen balantii fuliya walaalayaal oo soo bixiya.”

Sh. Maxamed oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Haddii doorasho innagu soo fool leedahay oo kaambayn la gelayo lacagtani gacanta dawladda ma gelayso oo ma qaadanayaan ololena kuma gelayaan oo Madaxweynuhuna ma saxeexi karo Maxamuud Xaashina ma saxeexi karo oo ammaan ayay ka tahay waxaanay gaadhaysaa halkii loogu talo galay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply