Ururka HAWDA oo Dugsi Boarding ah ka Hirgeliyay Buuhoodle

0
445

Buuhoodle (Dawan)- Arday reer Buuhoodle ah oo soo dhammaystay deeq wax barasho oo ay ka heleen dawladda Turkiga oo ku bahoobay urur sama-fal oo lagu magacaabo HADWA (Horn Of Africa Development And Welfare Association), ayaa degmada Buuhoodle ka hirgeliyay dugsi waxbarasho oo Boarding ah.

Ururka HAWDA oo gacan dhaqaale ka helaya hay’adda samofalka Denis Fener Foundation oo laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa magaalada Buuhoodle ka dhagax dhigay dhismaha dugsiyaasi oo ka kooban hoose/dhexe iyo sare, kaas oo loogu talo galay in ay wax ku bartaan 570 arday, oo 350 ka mid ahi ay u hoyan doonaan xarunta dugsiga.

Maamulaha dugsaga sare ee magaalada Buuhoodle Secondary School Maxamuud Cali Xasan Faliidh oo Wargeyska Dawan uga warramay arrintaasi, ayaa ka warbixiyay sida ay ugu suuro-gashay hirgelinta dugsigan, waxaanu yidhi “Aniga oo ka mid ah ardaydii ugu horreysay ee deeqaha waxbarasho ka helay wadanka Turkiga, kuna soo takhasusay maadada xidhiidhka caalamiga ah iyo shuruucda, halkana kaga wakiil ah dhamaan ardaydii reer Ceel-buh ee deeqaha waxbarasho ka helay wadanka Turkiga, waxaannu ku guulaysanay inaanu samaysano urur samafal ah oo lagu magacaabo HADWA, Ka dib waxaannu xidhiidho kala duwan la samaynay ururada ka jira wadankaas ee samafalka ah, anaga oo u bandhignay baahiyaha wadanka, waxaana markii ugu horreysay na aqbalay urur maxalli ah oo laga leeyahay wadankaas, laguna magacaabo Denis Fener Foundation, waxaana codsigayagii ugu horreeyey ee aanu u gudbinay ahaa deegaanka gobolka Buuhoodle oo aanay badiyaa soo gaadhin deeqaha waxabarasho, arrimo lagu saleeyey amniga awgood, waxaanuna talaabadii labaad ugu gudbinay macluumaadkii ay nagu xidheen inaanu u gudbino.”

Maxamuud waxa kale oo uu intaasi ku daray “Wefti ka socda hay’addan Turkiga ah ee Denis Fener Foundation, ayaa18/7/2017-ka ka soo degay garoonka diyaaradaha Ismaaciil Mire Airport ee magaalada Buuhoodle, iyaga oo markaa socdaalkoodu yahay xaqiijin iyo indha indhayn, waxaana ay si buuxda ugu qanceen buuxinta shuruudihii ay nagu xidheen.”

”Mar labaad ayay wefti kale noo soo direen taariikhdu markay ahayd30/8/2017-ka, waxaanay maalintii Iida Arafo dhagax dhigeen goobtii aanu ugu talo galnay in laga dhiso dugsiga, sidoo kalena waxay deeq gar gaar ah soo gaadhsiiyeen dadka jilicsan ee deegaanka, waxaanay halkaasi ku qaleen xoolo dhan 60 neef oo adhi ah, waxaana loo qaybiyay dadka jilicsan, sida xarunta Dhimirka, xarunta Aagoomaha iyo goobaha ay ku sugan yihiin dadkii ay abaaruhu soo barokiciyeen,” ayuu yidhi Maamulaha dugsiga sare ee magaalada Buuhoodle Secondary School Maxamuud Cali Xasan Faliidh, waxaanu intaas ku daray “ururkani waxa uu ballan qaaday inay dhisayaan dugsi Boarding ah oo isugu jira, hoose/dhexe iyo sare, kaas oo dhulka uu ku fadhiyaana yahay 30 baloodh, waxaana laga dhisi doona 18 fasal oo wax lagu dhiganayo, 12 qol oo jiif ah iyo Laybareerigii, Masjidkii iyo xafiisyadii, intaa waxa dheer geydhkii oo ka sii sarreeya, iyagoo muddo 8 billood ah ku dhamaystiri doona, halka ay laba biloodna ku qalabayn doonaan, sidaana sanad dugsiyeedka ugu horreeya lagu baran doono August 2018, waxa kale oo ay intaa raaciyeen inay wejiga labaad qodi doonaan ceel biyood riig ah oo dugsiga u gaar ah.”

Hay’addan Denis Fener Foundation oo fadhigeedu yahay dalka Turkiga, ayaa ah mid dhaqaalaha ka hesha dawlada Turkiga iyo tijaarta dalkaas, waxaanay fulinta dhismaha dugsigan laga hirgelinayo Buuhoodle u wakiilatay ururka HADWA iyo shirkad dhisme oo laga leeyahay deegaanka Buuhoodle oo lagu magacaabo Hoodaale Conistruction. Waxaanay si buuxda u damaanad qaaday qalabaynta dugsiga iyo dhamaan dhaqaalaha ku baxaya hawlaha waxbarashada iyo mushaharka macalimiinta wax ka dhigaysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply