Goobta Ugu Halista Badan Goobaha Loo Dalxiiska Tago Caalamka Oo Biriij Laga Dhisay

0
375

Buurta lagu magcaabo Tienman oo ah goobta ugu khatarta badan meelaha caalamka loo dalxiiska tago ayaa laga hirgeliyey Biriij dheer oo loogu talo galay in ay dadka dalxiiska u  tagaa maraan .

Biriijkan oo ay dhistay dawlada dalkaasi Shiinaha oo ay buurtani ku taalo dalkeeda ayaa sheegtay in ay biriijkan u dhistay dadka dalxiiseyaasha ah ee buurtaasi imanaaya, iyada oo ay sannad walba tagaan buurtaasi una dalxiis tagaan dad gaadhaaya ilaa Kumanaan kun oo qof.

Wadadan ayaa ah mid laga sameeyey Quraarad, taas oo lagu dul dhejiyey meel gidaar ah oo lagu sameeyey sabad adag, taas oo dhinaceeda iyo hoosteeduba tahay quraarad nooca Allamunium-ta loo yaqaano ah .

Buurtan ayaa ah mid aad u dheer, iyada oo dhulka ka saraysa masaafo aad u dheer  oo gaadhaysa masaafo ahaan ilaa 4,700 oo feet, waxaanay noqotay buurta ugu cabsida badan marka loo dalxiiska tago .

Leave a Reply