Wargeys Caalamiya oo Warbixin Xiiso Leh Kaga Waramay Muwaadin Qaxoontinimo ku Galay Australia oo ku Biiray Baarlamaanka Somaliland

0
403

Sydney (Dawan)- Wargeyska caanka ah ee  The Sydney Morning Herald oo ka soo baxa waddanka Australia, ayaa  baahiyay in   muwaadin u dhashay caasimadda  Sydney  uu  ka mid yahay baarlamaanka  Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbixintan waxa wargeyskaasi uu shalay  ciwaan uga dhigay “Nin reer Sydney ah oo Xildhibaan ka ah  Baarlamaanka Somaliland.”  Waxa qormadan lagu sharraxay duruufihii adkaa ee Ibraahim Axmed Raygal iyo qoyskiisu ku gaadheen Australia. Tifaftiraha Guud ee Wargeyska Dawan, Cumar Maxamed Faarax, ayaa warkan innooga diyaariyey:-

“Lahaanshaha labada jinsiyadood lagama soo dhaweynayo Baarlamaanka  Australia, hindisaha waddaninimada la xidhiidha ee uu wado Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Barnaby Joyce, ayaa arrintan ina soo xasuusisay. Laakiin Ibraahim Axmed Raygal oo u dhashay  Australia ayaa xildhibaan  ka ah Baarlamaanka Somaliland.

Mr. Raygal  wuxuu wakhtigiisa u qaybiyey   meeshii laga soo doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taalla Geeska Afrika iyo qoyskiisa oo degan  koonfur galbeed ee magaalada Sydney.

Ibraahim Axmed Raygal oo 72 jir ah, wuxuu hore u soo  noqday macalin dugsi iyo shaqaale dawladeed. Waxaanu  ku  soo galay Australia qaxoontinimo sannadkii 1995kii, balse muddo kadib wuxuu ku noqday Somaliland isagoo  u tartamay doorasho.

“Hore waxaan u ahaa qaxoonti, haseyeeshee imika waxaan ahay Mudane Baarlamaan,”ayuu yidhi, waxaannu intaas ku daray; “Aad baan ugu faanayaa taas.”

Somaliland oo Ingiriisku hore u xukumi jiray waxay madax-bannaanideeda kala soo noqotay dalka dagaaladu halakeeyeen ee Soomaaliya  sannadkii 1991-kii, hase ahaatee wali  beesha caalamku umay aqoonsanin waddan madax-bannaan.

Sidaas oo ay tahay Somaliland  waxay leedahay  lacag u  gaar ah iyo ciidammadii Booliska, waxaanay  urursataa dakhligeeda. Waxa kaloo ay leedahay maamulkii dawladeed oo fuliya  adeegyada bulshada iyo caddaaladda.

Muddadii uu dagaalka sokeeye  iyo jaho-wareerka siyaasadeed ka  jiray Soomaaliya, horaantii 1990-naadkii, Raygal waxa lagu tuuray jeelka, waxaannu la qabay  dad badan oo degaankiisa ka soo jeeday.

“Waa la i garaacay, waxaana la ii jidh-dilay si aad u xun,” ayuu yidhi, waxaannu intaas raaciyey; “Waan nasiib badnaa ba haddii aan badbaaday, maxaa yeelay  dad badan oo Somaliland u dhashay ayaa la xasuuqay oo lagu aasay xabaal wadareedyo.”

Xaaska Ibraahim Axmed Raygal iyo toddoba caruur ah, ayaa soo qaxay muddadii uu xidhnaa isagoo aan arag muddo shan sannadood ah.

Markii  laga soo daayay jeelkii uu ku xidhnaa, kumuu badbaadi karayn dalkiisii, waxaanu u soo kicitimay dhinaca Australia, waxaannu sii maray  Thailand, isagoo mangangelyo doon ah, markii uu dhawr bilood ku xanibnaa laanta socdaalka ee Villawood,  waxaa loo aqoonsaday  qaxoontinimo.

Mr.Raygal waxa  ka saaciday inay u helaan qoyskiisii Bisha Cas oo muddo dheer markii ay raadinayeen ugu geeyay xero qaxoonti oo ku taalla Thailand.

Ibraahim Axmed  aad ayuu u farxay  maalintii uu dib ula midoobay qoyskiisii  madaarka Sydney. “Inaan idhaahdo kalmada waan faraxsanahay way ku yar tahay marka loo eego dareenkayga. Waxaan odhan karaa waxaan ku dhawaaday inaan farxad u dhinto,” ayuu yidhi.

Mr. Raygal markii la dejiyey  galbeedka magaalada Sydney, wuxuu ku shaqeeyay kaaliye macalin, turjubaan  iyo ilaalo ammaan. Waxaanu noqday mid ka dhex muuqda bulshada Somaliland ee Australia.

Waxase xaaladdu is beddeshay  2004-tii oo uu  u kicitimay  Somaliland, si uu u soo booqdo  hooyadii oo da’a ah. Dad badan oo saaxiibadii iyo taageereyaashiisa ahaa ayaa ugu baaqay inuu soo laabto oo uu u tartamo Baarlamaanka.

“Markii hore waan diiday waayo ma doonaynin inaan ka tago qoyskayga,”ayuu yidhi Ibraahim, laakiin kuwii ku riixayay inuu siyaasadda Somaliland galo, ayaa la hadlay xaaskiisii Aamina oo booriyey in ay ka dhaadhiciso in uu u tartamo kursiga Baarlamaanka, waxaannu yidhi; “Waxay igu tidhi ha I ceebayn ee waa inaad tagtaa Somaliland.”

 

Jamhuuriyadda madax-bannaanideeda ku dhawaaqday ee Somaliland waxa ku dhaqan illaa afar milyan oo qof, waana mid xasilooni buuxdaa ka jirto marka loo eego Soomaaliya oo jaarkeeda ah. Doorashooyinka Somaliland waxa loogu loolamaa  si adag oo loo xushmeeyo si weyn.

Mr. Raygal waxaa laga soo doortay degaankii uu ku soo barbaaray oo ku yaalla bariga Somaliland, sannadkii 2005-tii, waxaannu  xubin ka yahay xisbal-xaakimka Kulmiye. Waxaannu sannadkii muddo siddeed bilood ah soo joogaa Somaliland, isagoo ku soo laabta Sydney xilliga Baarlamaanku fasaxa ku jiro.

“Shaqadaydu waa inaan wax ku kordhiyo Somaliland. Dugsiyo badan iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa imika loo bineeyay dadkii i  soo doortay, waxaanay  ku timid dedaalkayga,”ayuu yidhi Mr. Ibraahim.

Sannadkan  waxa Somaliland ku dhufatay abaar xun oo sababtay macaluul, waxaana meelihii laga soo doortay Mr. Raygal soo foodsaartay cunto yaraan, waxaanu yidhi; “Dad badan ayaa ku caydhoobay, deegaankii, si xun ayuu u waxyeeloobay. Laakiin ILAAHAY ayaa mahad leh dadku waxay isu caawinayaan si deeqsinimo leh.”

Raygal wuxuu aad ula dhacsan yahay  nolosha iyo fursada  ay isaga iyo qoyskiisu  ka heleen Australia. Waxaannu doonayaa  in Australia ay gacan qabato  Somaliland oo baahi weyn u qabta gargaar horumarineed iyo  mid maalgashiba.

Waxa kaloo uu danaynayaa in Australia ay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, “Waxaan doonayaa inay Australia ay wax badan naga saacido arrinta aqoonsiguna waa waxa aan ka  dalbanayo,”ayuu yidhi Mr. Raygal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply