Madaxweynaha Somaliland oo isku Beddelay Laba Badhasaab iyo Maareeyayaal Hay’adeed

0
350

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto uu soo saaray    isku beddelay Guddoomiyeyaashii Gobollada Maroodi-jeex iyo Awdal.

Waxa kaloo madaxweynuhu  maareeye cusub u magacaabay  Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD), sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu shalay soo saaray afhayeenka madaxtooyada, Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr). Waxa kaloo la magacaabay maareeyaha cusub ee dekadaha Somaliland.

War-saxaafadeedka lagu magacaabay masuuliyiintani wuxuu u qornaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku beddel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobollada dalka iyo maareeyeyaasha hay’adaha madaxa bannaan ee dalka.

 

Madaxweynuhu:Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan;  In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal), In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (beddel hore Maroodi-jeex)

 

Magacaabida iyo Isku beddelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

 

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, xarafka (kh)  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD); Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda), In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (beddel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD).

 

Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso; Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somalil and. (hore maareeyihiin Hay’adda mucaawimooyinka WFP).”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply