Wasaaradda Maaliyadda oo Beenisay inay Qasnada Dawladda ka Maalgelisay Xisbal-xaakimka

0
367

Hargaysa  (Dawan)-  Wasaaradda Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay eedo been abuur ah oo uga yimid xisbiga Waddani oo sheegay in $200,000 wasaaraddu xisbiga Kulmiye   ka siisay kastmadda Kalabaydh iyo Saylac.

Wasiiru-dawlaha wasaaradda maaliyadda Somaliland Yuusuf Axmed Umal (Yucuboole)  iyo Axmed C/laahi Oomaar, oo ah agaasime ku-xigeenka   waaxda kastmadda ee wasaaraddda maaliyadda oo shalay  shir jaraa’id ku qabtay   xarunta wasaaradda ee magaaladda Hargaysa, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaynta ka soo yeedhay af-hayeenka xisbiga Waddani.

Waxaanay masuuliyiinta wasaaradda maaliyadu  eedaha Waddani ku tilmaameen  kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanay jirin lacag la dhigo kastamadda balse lacagta kastamadda maalintii ka soo baxda lagu shubo Baananka.

Wasiirul  dawlaha   Maaliyada Yuusuf  Xasan  Umal,     ayaa  sheegay in aanay jirin lacag kastamada Kalabaydh iyo Saylac looga saaray xisbiga Kulmiye, waxaanu u soo jeediyay xisbiga Waddani in ay ka waan toobaan  eedaha aan xaqiiqada ku salaysnan. Waxaanu  yidhi “Waxaan jawaab ka bixinayaa hadalo ka soo yeedhay af-hayeenka xisbiga Waddani,  taasoo uu ku sheegayay in 200, 000 kun oo  doolar qasnada  kastamada Saylac iyo Kalabaydh  looga saaray xisbiga Kulmiye.

Arrintaas  wax ba kama jiraan,  waana arrin ku cusub siyaasadda Somaliland in la yidhaahdo kastam ayaa lacag lagala baxay.  waxaynu  maqli jirnay xukuumaddu lacag ayay ka saartay  bangiga dhexe, waana arrin ceeb ku ah dawladnimadeena.

Lacagta   ka soo xeroota kastamadda,  waxaa  maalin walba lagu shubaa (dhigaa) bangiyada dawladda ma na jirto lacag lagu kaydiyo kastamadda,  waana in  xisbiga Waddani uu ka waan toobo eedaha aan xaqiiqada ku salaysnayn”.

Wasiirku waxa kaloo uu sheegay in aanay xisbiga Waddani aqoon u lahayn nidaamka dawladnimo iyo sida loo soo xereeyo canshuurta laga qaado ganacsatadda, isagoo xusay in aanu Waddani waxba kala socon nidaamka dawladnimo ee dalka ay doonayaan in ay hogaamiyaan.

“Waxaanu  filaynay in xisbiga Waddani iyo   xildhibaankuba  (Buubaa) in ay   aqoon u leeyihiin   sida loo ururiyo lacagaha   iyo  siday u soo xerooto canshuurtu,  laakiin  waxaad moodaa in aanay garanaynin xisbiga Waddani wadanka ay doonayaan in ay hogaamiyaan  siduu u shaqeeyo nidaamkiisa dawladnimo” ayuu yidhi wasiir Yucuboole.

 

Geesta kale agaamise ku-xigeenka Waaxda kastamadda ee wasaaradda Maaliyadda Axmed  Cabdilaahi   Oomaar,  ayaa   sheegay  in af-hayeenka xisbiga Waddani looga baahan yahay  cadaynteedda   halka uu ka keenay in lacag lagala baxay kastamadda Kalabaydh iyo Saylac.Waxaanu  yidhi “Waa wax aan waxba ka jirin in kastamka kalabaydh iyo ka-Saylac lagala baxay lacag.  Kastamka  kalabaydh lacagta lagu qabto maalin kasta waxaa lagu xareeyaa baanka Gabiley,  waxaana  ka markhaatiya  xisaabiyaha jooga  waxa kaloo  markhaatiya ganacsatadda cashuurta laga qaado (Qaadleyaasha)  waana been,  waana danbi laga galay shaqaalaha noo jooga kastamadda,  waana in cadaynta ay keento  cidii waxaas tidhi.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply