Xukuumadda oo ugu Baaqday Jaaliyadda Sucuudiga inay u Midoobaan Horumarinta Somaliland

0
360

Jeddah (Dawan)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi. ayaa shaaciyay  in Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Sucuudigu horumar ballaadhan gaadhsiin karaan xoojinta xidhiidhka labada waddan, kaas oo taageerooyin badan uu dalkeenu ku heli karo, hadii ay wadajir ugu hawlgalaan.

Maxamuud Xaashi iyo wefdi uu hogaaminayay oo socdaal ku jooga dalka Sucuudiga, ka dib markii ay soo guteen waajibaadkii Xajka, oo kulan shalay kula yeeshay magaalada Jeddah Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalkaas.

Wasiirku waxa uu ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo dalalka Carabta, waxaannu yidhi “Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilanyo markii ay xilka qabatay ma jirin xidhiidh Somaliland la lahayd waddamada Carabta. Xidhiidhkii dawladaha Carabta ayaan kor u qaadnay. Xidhiidhkii dawladaha Afrikaanka waan sii kordhinay ee jiray iyo kuwii Yurub iyo Waqooyiga Ameerika.”

Maxamuud waxa uu ugu baaqay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Sacuudiga inay u midoobaan horumarinta noloshooda iyo danta dalkooda, waxaanu yidhi, “Halkan Jaaliyad xoog-leh ayaad tihiin, hadii intiinan wada shaqeysaan iyo inta idinka maqan, wax weyn ayeynu meesha ka helaynaa. Mucaawinooyinka ha noqoto, Ururada Samo-falka ha noqoto, cilaaqaadka siyaasiga ha noqoto, kuwa Ganacsiga ha noqoto, waxaan odhan lahaa isku-biira aqoon iyo waaya-aragnimo waad leedahiine, waxa idinka maqan keliya, sidaan u malaynayno, ururka, tabantaabada, tabaabushaha iyo Tawfiiqda, Ilaahay ha idin waafajiyo.”

Wasiiru waxa uu sheegay Jaaliyadda Sacuudiga in buuqa laga soo sheego hawlaha Dekeda Berbera ay yihiin dacaayado, waxaanu yidhi, “Arrinka Dekeda Berbera oo aad la socotaan in lagu wareejiyey shirkada DP World, buuqa laga soo sheego dacaayad bay ahayd waad u jeedaan iyo warkaasi aanu war sax ah ahayn, dad Muslimiin ah ayeynu nahay, saraaxada iyo runtu waa wax wanaagsan, DP World waxaan dekeda ugu wareeginay inaan wax korodhsano, dalkana maanu xaraashayn, ummadana maanu rahmin, Ilaahayna nama badin, inaan ummadan wax u kordhino ayey ahayd”

“Qarankan Somaliland saddex sannadood gudahii inuu noqdo Qaran ganacsi weyn la leh wadamadda Itoobiya kow ka tahay, wax geyn kara, oo ka ganacsada oo adeegyadii soo celiya, hoos-u-dhaca ganacsi (trade deficit)-ka aynu ku jirno, aragtidaa mid sax ah ayaan u aragnay.”

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay in heshiiska Somaliland la gashay shirkada DP World yahay mid anfaci doona dalka iyo dalka, waxaanu yidhi, “Heshiiska aynu la galay shirkada DP World, waxaan u aragnaa oo aaminsan nahay inuu yahay heshiis taariikhi ah oo lafta, qodaxda iyo shillinta laga idleeyey.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply