Dal Ka mid ah Wadamada Ugu Qanisan oo ay Madaxweyne ka Noqotay Gabadh Muslim ahi Markii ugu Horeysay.

0
357

Gabadh Muslim ah ayaa markii ugu horreysay madaxweyne ka noqotay mid kamid ah wadamada ugu qanisan caalamka, sidoo kalena ugu yar,  gabadhan ayaa kamid ah beelaha ama dadka laga tiradda badan yahay ee wadankaasi ay madaxweynaha ka noqotay.

Haweenaydan oo Muslim ah ayaa lagu magcaabaa Halimo Yaqub , waana haweenay da’deedu tahay hadda 62 sanno jir, iyada oo madaxweyne ka noqotay wadanka Singapore oo ku yaala qaarada Aasiya, sidoo kalena kamid ah wadamada ugu qanisan caalamka.

Haweenaydan ayaa guushan gaadhey kadib markii la waayey cid kale oo kula tartanta mansabkaasi madaxweyne ee dalkaasi, iyada oo ay noqonayso gabadhii ugu horeysay ee ka Talisa dalkaasi muddo 47 sanno ah ka dib.

Madaxweynaha Cusub ee dalkaasi ayaa hore u soo haysay xilka afhayeenka Barlamaanka dalkaasi muddo 3 sanno ah, iyada oo aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay xil ka qabato dalkaasi, sidoo kalena ay gasho siyaasadda dalkaasi.

Maanta ayaana la fiilayaa in lagu dhawaaqo madaxtinimadeeda, iyada oo noqon doonta madaxweynihii 9-aad ee wadankaasi soo mara, waxaanay xilka kala wareegi doontaa madaxweynihii ka horeeyey oo lagu magcaabo Tony Tan oo xilka dalkaasi hayey muddo 6 sanno ah.

Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalkaasi oo lagu magcaabi jiray Yusuf Ishak ayaa isna ahaa mid ka soo jeeday qoomiyaddaasi laga tirada badan yahay ee  Malaay-ga, isaga oo xilka dalkaasi hayey ilaa intii uu dhimanaayey.

 

Leave a Reply