Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo la Kulmay Shaqaalaha Gobollada Bariga

0
398

By:Faysal Xiis Afgaab

Laascaanood (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda  Jamhuuriyadda Somaliland,  Sharmaake Axmed Muxumed (Geelle) oo maalmihii u dambeeyay socdaal shaqo ku maraya gobollada Bariga dalka, ayaa sheegay in safarkiisu yiddidiilo u noqday shaqaalaha dawladda ee ka hawlgala gobollada Sanaag iyo Sool oo aan hore u arag guddoomiye ka socda hay’adda shaqaalaha.

Sharmaake Geelle, waxa uu faahfaahin ka bixiyay ujeedada socdaalkiisa, kaas oo uu ku tilmaamay in uu la xidhiidho kormeer guud oo lagu wacyi-gelinayo shaqaalaha dawladda iyo sidii xogogaal loogu noqon lahaa baahiyahooda, isla markaana uu hadda ku sugan yahay magaalada Laascaanood  ee xarunta Sool oo ah gobolkii ugu dambeeyay.

“Socdaalkayagani waa mid shaqo, waxaanan ku soo maray sadex gobol, magaalo madaxyadooda  oo kala ah Burco, Ceerigaabo iyo Laascaanod, waana sadexdii gobol ee ugu dambeeyay ee aanu booqanno dalka, guud ahaan goboladiisa waanu soo wada marnay, waxaanan u soconaa sidii aanu u  ogaan lahayn baahiyaha iyo duruufta shaqaalaha dawladda iyo in aanu wacyi galin siino oo aanu ku wacyi galino waxyaabaha looga baahan yahay qofka shaqaalaha ah, isla marnaana aanu isu xaal waraysano. Markaa waxaanu la kulanay madaxda laamaha kala duwan ee shaqaalaha dawladda ee heer gobol ee Togdheer, Sanaag iyo Sool, waxaanay u ahayd fursad aad iyo aad ugu muhiim ah oo ay kaga hadli karaan baahiyo badan oo jira, si wanaagsanna way noogu soo dhamaadeen kulamadii aanu la yeelanay shaqaalaha dawladda ee gobolada brie e aanu tagnay”, ayuu yidhi Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda Sharmaake Axmed Muxumed, oo khadka telefoonka ugu waramay Wargayska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.

Guddoomiyugy waxa uu sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii uu kala kulmay shaqaalaha dawladda ee uu Ceerigaabo iyo Laascaanood shirarka kula qaatay, waxaanu yidhi “Wuxuu safarkayaga shaqo aad kor ugu qaaday shucuurta  shaqaalaha Sanaag iyo Sool oo aan hore uba arag guddoomiye ka socda Hay’adda Shaqaalaha dawladda, kuwaas oo ahaa kaliya shaqaale  aan arag oon garanayn cidda u dhaxaysa iyaga iyo masuuliyiintooda oo hadday  cabasho qabaan waxay ahaayeen qaar caloosha iskaga haysta oo ka baqaya in ay dhibaato ku keentaba, waxaakale oo aanay heli jirin inta badan tababarada ay shaqaalaha dawladda ee gobolada kale ay helaan.”

Sharmaake waxa kale uu intaasi raaciyay, “Si wayn ayaanu u wada hadalnay shaqaalaha labada gobo lee Sool iyo Sanaag, wax kasta oo duruufo ah oo jirayna waanu ka wada hadalnay, waxaanay heleen garab iyo gaashaan la mataano ah oo hadday kor u qaadista aqoontooda tahay iyo hadday tahay xuquuq ka maqan u doonistoodaba ay u mari karaan. Taasina ka guddoomiye ahaan waxay ii tahay wax weyn  oo aan soo ogaaday, soona gunaanaday oo maanta shaqalaaha dawladda ee  gobolada oo dhan, magaalo madaxyadooda waanu soo wada marnay, muddo kooban ka dibna waxaanu bilaabaynaa in aanu tirakoob guud ku samayno dhammaan shaqaalaha dawladda oo aanu tuulo, tuulo iyo goob, goob isku dul taagno dalka oo dhan, iyadoo  qorshuhu yahay in dhammaan dadka shaqaalaha dawladda u liistaysan ee miisaaniyadda ku jira ee mushaharka ka qaata in mid kasta aanu goobta uu ka hawl galo ugu tagno oo madax taabasho aanu ku dhammaystirno guud ahaan shaqaalaha dawladda, intaan sanadkani aanu dhammaan si tayadooda aqooneed kor u qaadisteeda looga hawl gali  karo, isla markaana aanu ugu kala horraysiin lahayn illaa heer tuulo siday  ugu kala baahi badan yihiin, waxna uga qaban lahayn duruufaha ku gedaaman shaqaalaha dawladda dhammaantood.”

 

Leave a Reply