Kaadh Qaadashadii Codbixiyayaasha oo la soo Gaba-gabeeyay

0
388

By, Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday in la soo gaba-gabeeyay hawshii kaadhadh qaadasahada codbixiyayaasha dooorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibad lagu shaacinayay dhammaadka hawsha kaadh qaadashada codbixiyayaasha doorashooyinka ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qaybgalay, madaxda Komishanka doorashooyinka qaranka, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, xildhibaanno iyo dadweyne kale oo tiro badan.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xafladdaas ugu horrayn hadal ka jeediyay, waxaannu sheegay inay ka xisbi ahaan diyaar u yihiin doorashada la filayo badhtamaha sanadkan inay wadanka ka qabsoonto, una hogaansamayaan sharciyada lagu heshiiyay, waxaanu yidhi; “Xisbi ahaan waxaannu diyaar u nahay marka ugu horreysa doorashada iyada oo aan raacayno xeerarka iyo sharciga qaranku u dajiyay maamulka doorashooyinka annaga oo kaa raacayna inaanu si buuxda ula shaqeyno Komishanka doorashooyinka iyo hay’adaha kala shaqeeya arrimaha doorashooyinka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin guddida anshaxa iyo bulshada rayidka ah.”

Murrashaxa  madaxweyne ee xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xusay in kaadh qadashada codbixiyayaasha Somaliland ee soo dhammaatay ay tahay guul qaranka u soo hoyatay, kuna hambalyaynayo komishanka doorashooyinka qaranka; “Inaanu ka soo qaybgalno munaasibadan qaaliga ah ee ah inaynu u dabaal degno, inaynu ku guulaysaney diwaangalintii iyo qaybintii kaadhadhka codbixiyayaasha, waana guul qaran oo qarankan u soo hoyatay, waanan ku hambalyeynaynaa ciddii suurta galisay hawshaasi inay noo qabsoonto,”ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.

 

Masuul ka tirsan xisbiga UCID oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xisbiyada qaranka kula dardaarmay inay sharciga ilaaliyaan waxaanu yidhi. “mar haddaynu soo marnay labadii waji ee hore ee doorashada, kan inoo hadhayna uu yahay kii ugu mihiimsanwa, waa in aynu aad iyo aad u wada shaqeyno, waxaanan aan jecelahay labada xisbi ee walaalahayo ah, waxaan leeyahay aynu sharciga ilaashano, nabad-gelyana aynu ku codeyno, gari laba nin kama wada qoslisee, cdidii ku guuleysata, cid uun baa guuleysan doontee, aynu u hambalyeyno, oo yeynaan dadka iyo dalka kala irdheynin”

 

Leave a Reply