Xukuumadda oo Shaacisay Dalal Waaweyn oo Goobjoogeyaal u soo Diraya Doorashada Madaxtooyada

0
349

By: Khadar  M. Dhako

Hargaysa(Dawan)-   Wasiirul-dawlaha wasaaradda Arrimaha Dibada  Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Mixile Boqore,  ayaa sheegay in goob joogeyaal caalamiya oo dalal badan oo caalamka ah ka socdaa ay iman doonaan   doorashada madaxtooyada Somaliland muddaysan  13-ka November ee sannadkan.

Wasiir Maxille,  waxa kaloo  uu sheegay in doorashada Madaxtooyada Somaliland ay iman doonaan goob joogeyaal caalamiya oo la socon doona qaabka ay u dhacda.

“Waxaa  la casuumay 60 goob jooge oo iman doona doorashadda Madaxtooyada Somaliland oo ay ka mid yihiin wadamada Sweden,  Maraykanka,  Ingiriiska,  Carabta iyo wadamo kale. Waanan   ka wada hadalnay komishanka doorashooyinka qaranka wixii goob  ah ee   imanaya doorashadda  ma hor joogsanayno,  marka hore waa in nalala soo socod siiyo in ay imanayaan,” ayuu yidhi Mixille Boqore oo shalay  u waramay  warbaahintu,

Wasiirku waxa kaloo uu intaas ku daray in doorashada Somaliland ay ka duwan tahay tii 8-dii Bishii hore ka dhacday Kenya,Waxaannu  yidhi; “Kenya inagu la mid ma nihin,  waanan  ka fiicanahay doorashadeena miiska dushiisa ayaa lagu tiriyaa,  saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka ayaa tiriya nin waliba-na wuu garanayaa wixii  uu helay. Doorashadeennu  ma aha wax laga shakiyo cidii shakisani waa yeelkeed ama xisbi  mucaarida  ha ahaato ama xisbi muxaafida ha haatee.  Kenya  marka waraaqaha   doorashada la tiriyo ayaa xarunta  dhexe lagu  soo tuuraa waraaqo kale.   markaa waxbaa luma doorashadeena doorasho la mid ahi  ma jirto.”

 

Leave a Reply