Xukuumadda oo ugu Baaqday Xisbiyada inay la Shaqeeyaan Warbaahinta Qaranka

0
346

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa  ugu baaqay xisbiyada qaranka inay xurmeyaan oo ay la shaqeeyaan suxufiyiinta warbaahinta qaranka waqtiga lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada Somaliland ee u muddaysan 13ka bisha November ee sannadkan 2017.

 

Waxa kaloo uu sheegay in warbaahinta qaranku ay dhexdhexaad tahay isla markaana xil weyn iska saarayaan inay la shaqeeyaan xisbiyada qaranka. Wasiir Caddaani waxa kaloo uu sheegay in qaar ka mid ah hablaha ka hawlgala wasaaradda uu u magacaabi doono toddobaadkan xilal kala duwan.

 

 

“Waxa innagu waajib oo meeshan isugu nimi waxa weeye, in aynu hawshii qaranku inoo igmaday siday tahay u qabanno. Waa maxay hawshaasi? Hawshu waxa weeye in aynu ummadda Somaliland u gudbinno war sax ah, oo run ah, oo xaqiiqo ah. Warkaas aynu gudbinaynaa waa inuu noqdo mid dhab ah oo xaqiiqda ku saleysan oo aan buun-buunis lahayn, oo aan lahayn waxa uu weriyuhu maskaxdiisa ka keeno ee uu yahay wax run ah oo jira.
Mid aan cidna lagu dureyn, oo aannu odhanayn; ‘Inaadeerkay baa murrashax ah.’ ee uu odhanayo; ‘anigu dhex baan u ahay saddexda xisbi qaran ee jira.’ Ololahaasi maalinta uu bilaabmo ayaa lagaa rabaa, sideedabana waxa lagaa rabaa inuu weriyuhu dhex noqdo, oo warka uu gudbinayaa noqdo mid ka baxsan anshax-darrada ee suxufiga aan loo oggoleyn,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani oo ka hadlayay kulan uu Sabtidii toddobaadkan xarunta wasaaradiisa kula yeeshay masuuliyiin iyo hawlwadeenno ka kala socday Telefishanka Qaranka,  Radio, wargeysyada Dawan media group iyo wakaaladda wararka ee SOLNA.

 

Waxa uu intaas sii raaciyey, “Warbaahinta gaarka loo leeyahayna gaar ayaannu ula shiri doonnaa, waxaanuna sameyn doonnaa wax la yidhaah news Desk Gathering (xafiiska ururinta wararka) amma qeyb aannu SOLNA (wakaaladda wararka Somaliland) ka dhex sameyno oo Tv-ga, Radio-ga iyo wargeyska DAWAN-ba isticmaalaan oo ah sida wararka loo soo ururiyey, mid dibedeed iyo mid gudaba ee loo soo helayey.

Qeyb ayaannu sameyn doonnaa hawlgelin ah iyaduna oo laba qaybood ah. Weriyaha waxaan ka doonaynaa oo aannu la soconaynaa meel kasta oo uu tegayo waxa jira, haddii shir la qabanayo waqtigaas uu soo duubo warka, waxaanuna rabnaa in aannu gurigiisana la tagin, marfash qaadna aannu la tagin oo aannu ku soo sameyn warka. War dambe oo aad dibedda ku soo sameynaysaan jiri maayo, wasaaradda ayaanad ku dhex sameynaysaa nin walowba.”

“Waxa kale oo aan sheegayaa, in weriyeyaal khibrad leh oo hablo iyo inamaba isugu jira aannu xisbiyada u xilsaari doonno marka ololuhu bilaabmo, oo aannu doonayno qaar khibrad leh oo warkaa meeshaa jooga ummadda Jamhuuriyadda Somaliland si mug leh u soo gaadhsiiya ayaannu rabnaa.

Waxa nasiib-wanaag inoo ah, oo Ilaahay wax loogu faano ah, weriyeyaal haddii la eego maanta Jamhuuriyadda Somaliland kuwa Wasaaradda Warfaafinta jooga hablo iyo inamaba cid ka khibrad badan ma jirto, kuwa ugu dambeeyey ee warka soo galay, sababta oo ah iyaga oo ka faa’iideysanaya tifaftirayaasha garab fadhiya, iyaga oo ka faa’iideysanaya weriyeyaashii hore ee ka soo horreeyey qaarkood khibrad aanay ciddiba lahayn, isla markiiba si degdeg ah wax u bartay, ayaa jira oo wax lagu faanno ah.
Qof kasta oo Jamhuuriyadda Somaliland ama Tv-ga ha noqdo, Idaacadda innaga uun baaba jirna’ee ama Tv-ii ha noqdo ama website ha noqdo ee waxaannu leennahay cid u dhiganta weriyeyaasha ka jira Radio Hargeysa iyo Tv-ga Qaranka iyo Dawan runtii wax loo dhigaa ma jiraan.”

Wasiirka Warfaafinta, ayaa sidoo kale sheegay in warbaahinta dawladdu ay si dhex ah ugu shaqaynayso saddexda xisbi qaran, waxaannu yidhi; “Wasaaraddu waa dhexdhexaad, xisbiyada qaar ayaa jira aannu weriyeyaal aannu u dirnay kamaradiina ka jajabiyey horena u diiday. Waxaannu ogeysiinaynaa weriyeyaasha aannu u soo diyaarinno ee aannu xisbiyada ku soo dirno, xisbigay doonaan ha noqdeen in si rasmi ah loo soo gudbiyo oo wixii xog ah ee ay u baahan yihiinna la siiyo, marka uu yimaaddana si sharaf leh oo maamuus leh oo qaddarin leh loo qaabilo ayaannu doonaynaa.”

“Waxa kale oo aannu soo kordhinaynaa oo aannu magacaabaynaa saddexda cisho ee u horreeya toddobaadkan  aannu idiin sheegaynaa, hablaha wasaaradda jooga xilal baannu u dhiibaynaa qaar fara badan oo ka mid ah,” ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 

Sidoo kale, waxa shirkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, Xasan Cumar Hoori, Maareeyaha TV-ga qaranka, Khadar Maxamed Cakuulle iyo maamulaha idaacadda  Radio Hargeysa, Maxamed Siciid Muxumed, waxaanay dhammaantood ku dheeraadeen sida ay u fulinayaan waajibaadka qaran ee saaran muddada lagu jiro ololaha doorashada madaxtooyada oo ah mid ahmiyad weyn u leh dalka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply