Wasiiru-dawlaha Amniga oo Beeniyay in Laascaanood Jabhadi ka Dilaacday

0
402

Hargeysa(Dawan)- Wasiiru-dawlaha Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  Jamhuuriyadda Somaliland,  Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka hadlay cabasho ka timmi ganacsadatada qaadka soo dejisa ee magaalada Laascaanood,waxaanu beeniyay warar sheegayay in magaaladaas ay ka samaysantay jabhad  hubaysani.

Waxa kaloo oo uu ka hadlay xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka degmada Caynaba oo la xidhay iyo badhasaabkii gobolka Hawd oo is-casilay.

 

Wasiiru-dawlaha oo xalay u waramay wargeyska Dawan,  ayaa ugu horrayn isagoo ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya in magaalada Laascaanood ay ka samaysantay jabhadi, waxaannu yidhi;  “Cabasho ay qaadlayaashu ka qabeen qaadka  u gudbaya Puntland  ayaa jirtay oo ay yidhaahdeen waa taraansit ee cashuurta ha nalaga daayo.  taasna waa laga wada hadlay oo Hargeysa ayuu yimmi ganacsadihii qaadku. laakiin wax kale oo dhibaato ah oo Laascaanood ka jirta iyo wax jabhad hubaysan la yidhaahdo oo ka dilaacday midna ma jirto. wararka been abuurka ahna in ay warbaahintu ka fogaato ayaa wanaagsan oo ay waraystaan cidda warku khuseeyo,Laascaanoodna way deggen tahay wax dhibaato ahina kama taagna waana nabadgelyo cashuurtana ciddii ay khusaysay way ka wada hadleen is-afaradna way ka gaadheen.”

 

“Qofkuna wuu caban karaa dawladdiisana in ay cabashadiisa ka  wadahadlaan wax u diidayaa ma jirto. wararkii Tv-yada ka baxayay xalay (Habeen hore) waxay ahaayeen uun dad shicib ah oo ganacsatadii qaadka keenaysay ah iyo dadkii sii iibinayay oo dawladooda uun u cabanayay wax hubaysanina kumay jirin. markaa maaha in dadku wax aanay ahayn lagu sheego,”ayuu yidhi wasiir-dawluhu.

 

Wasiirka oo la waydiiyay sababta keentay in la xidho  xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka  Caynab, waxa uu yidhi;  “Horta xildhibaannadu xasaanad ayay leeyihiin  oo lama xidho,laakiin shaqaaqo gudahooda ah ayaa dhacday oo xildhibaan ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka ee degmada Caynaba ayaa la xidhay isla markiibana waa la sii daayay arrinoodana beri (maanta) ayaanu guda-gelaynaa. markaa wax sii wayn arrintaasi may ahayn waanay dhammaanaysaa.”

 

Wasiirka oo ka jawaabayay Su’aal laga waydiiyay Guddoomiyihii gobolka Hawd oo is-casilay sheegayna in lala shaqayn waayay,waxaannu yidhi; “Horta guddoomiyaha ayay tahay in la waydiiyo cidda la shaqayn wayday ka wasaarad ahaanna wax dhankiisa ka yimMi oo xagayaga ka fuli waayay ma jirto. wada shaqayn fiican oo la mid ah ta  badhasaabada kale ee gobollada ayaa naga dhexaysay, markaa kollay isaga ayaa sheegi kara wuxuu isku casilay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply