Xildhibaanno Walaac ka Muujiyay Dhul Lagu Boobay Burco

0
385

Burco (Dawan)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka ee degmada Burco,  ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dhul dan guud ah oo ay dawlad hoose ee Burco u qorshaysay in laga dhiso iskuul boodhin ah, waxaanay sheegeen in dhulkaasi la boobay oo ay dad baloodheysteen.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi iyo Xildhibaan Gaboobe oo ka tirsan golaha degaanka Burco, waxaanay tilmaameen in dhulkaasi la boobay uu ahaa goobtii laga raray xero-dhiigtii hore ee Burco.

Xildhibaan Ibraahin Jaamac Busaale (Gaboobe), ayaa ugu horrayn halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi  “Runtii waxa jirta meelo badan oo dan-guud ah, oo dawladda hoose iyo ta dhexe iyaga oo ka wada socda, si  sharciya ah u wada sameeyeen oo ah suuqyo magaalada badhtankeeda ah oo bilicdii magaalada lagu soo saarayo oo Mall ahaan loo dhisayo, oo imika qaarna gacanta lagu hayo, qaarna ay dhammaystiran yihiin, hawshaasina ay wadaan wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan). Waxa Sabtidii ka dhacay magaalada mudaharaad, kaasi oo salka ku hayay xarodhiigtii hore ee magaalada Burco oo magaalada laga saaray, oo ay go’aankeeda iyo hawsheeduba u yaalay golaha oo dalab nooga yimid qurbaha, dalabkaasi oo ahaa in iskuul goobtaasi laga dhiso, waxa is weydiintu tahay haddii aad reer Burcow, aad dantii guud u diidaan ma samada ayaad caruurtiina dugsiyo  uga samaynaysaan.”

 

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), ayaa isaguna sheegay in codsiga dhismaha dugsigaas uu ahaa mid uga yimid qurbajoogta magaalada Burco, waxaannu yidhi  “Dhismihi aanu ka rarnay xerodhiigtii hore ee Burco ee la wada garanayo, waxaannu ugu talogalnay maadaama ay tahay goob dan-guud ah oo ay ummaddu wada leedahay, in aanu ka dhisno iskuul, waanu isla qaadaney annaga iyo maayarkuba, inkasta oo aanan kalfadhi ka yeelan, codsi nooga yimid qurba joogta reer Burco ayuu ahaa waxaanay yidhaahdeen meesha iskuul halaga dhiso oo ha loo bixiyo Muusa Galaal.”

“Dhulkii aanu haynay ee danta guud ahaa ee ilaa wakhtigii Ingiriiska yaalay ee ahayd hantida magaalada Burco ee aanu dadka ka rarnay ayaa waxa aanu ka war helnay iyada oo la baloodhaystay,” ayuu yidhi xildhibaan Mubaarig Bidhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply