DP World oo 2 Milyan Doolar ku Maalgelinaysa Adeegyo Laga Fulinayo Gobolka Saaxil

0
373

Dubai(Dawan)-Shirkadda DP World ee maamusha marsada Berbera,  ayaa shaacisay inay  kharash garayn doonto  2 Milyan Doolar, horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee gobolka Saaxil iyo degaanno kale oo ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

War shalay lagu daabacay wargeyska Dubai Informer ayaa lagu sheegay sida heshiiskii DP World la saxeexatay dawladda Somaliland dhigayo, shirkadu waxay dhisi doontaa toddoba ceel biyood, oo saddex ka mid ah laga qodi doono magaalada Berbera, halka saddex kale degaamo kaloo dalka ka tirsan laga qodi doono.

Sida laga soo xigtay shirkada DP World, deeqda dhaqaale ayaa sidoo kale lagu dayactiri doonaa Cusbitaalka Guud ee Berbera iyo Cusbitaalka maskaxda, si shacabka magaaladu u helaan adeegyo caafimaad. Mashaariicda kale ee DP World ka fulin doonto dalka ayaa lagu sheegay inay caawinayaan  11 Dugsi, Machadka culuumta Badda, laba cusbitaal iyo xarun caafimaad, sidii hore ay ugu caawiyeen biyo iyo cunto qoysas gaadhaya saddex kun xilligii abaartu ka jirtay Somaliland horaantii sannadkan.

 

Guddoomiyaha DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem, oo ka hadlayay ujeeddada mashaariicda ay ka fulinayaan Somaliland,  ayaa sheegay inay tahay horumarinta degaannada ay ka hawlgalaan, waxaannu yidhi,  “Taageerada Berbera iyo degaannada kale waxay qeyb ka tahay qorshahayaga horumarinta degaannada aanu ka shaqeyno, waxaanan ku kalsoon nahay in deeqdani faa’iido ballaadhan ka heli doonaan shacabka Somaliland. Waanu sii wadi doonaa inaan si dhow ula shaqeyno xukuumadda Somaliland iyo shacabkaba si aan u taageerno adeegyadaa bulshada oo fure u ah in horumar la gaadho.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply