Ilaa lixdan qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen kadib markii ay degtay doon ay saaraayeen muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dagaalada ka socda dalka Myanmar. Saraakiisha QM ayaa sheegaya in ay doontu ku qalibantey bad kacsan khamiistii.
Afhayeen u hadley QM ayaa sheegay in 23 qof la xaqiijiyay in ay dhinteen, islamarkaana la la’yay 40 kale oo loo maleynayo in ay qaraqmeen.
Tobanaan kale oo Rohingya ayaa hore u dhintey iyaga oo isku dayay in ay u gudbaan Bangladesh si ay uga baxsadaan burburka milteriga Myanmar ka wadaan gobolka Rakhine ee ay degganaayeen.
In ka badan nus milyan Rohingya oo badankoodu yahay muslimiinta laga tirada badan yahay oo badanaa lagu duudsiyay, loona diidey muwaadinimada ayaa u cararey Bangladesh tan iyo markii colaada la huriyay.