Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Aas Qaran oo Lagu Sagootiyey Marxuum C/raxmaan Talyanle

0
379

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo iyo madaxweyne ku-xigeenkiisa C/raxmaan Saylici,  ayaa ka qayb galay aas qaran oo shalay xabaalaha  Naasa-hablood ee bariga magaaladda Hargaysa loogu sameeyay marxuum C/raxmaan Talyanle, oo Arbacadii todobaadkii hore ku geeriyooday dalka Hindiya.

Maydka marxuumka oo diyaarad lagaga soo qaaday dalka Hindiya oo laga soo dejiyay madaarka diyaaradaha Hargaysa ayaa salaadii Janaa’isadda ee marxuumka  lagaga tukaday masjidka Tanliiqiyiinta ee bariga Hargaysa.

Waxaana aaska marxuumka ka qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, shir-gudoonka golaha Wakiiladda, xildhibaano ka tirsan goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda, madaxda xisbiyadda qaranka, siyaasiyiin, culimaw-diin iyo dad weyne kaloo badan.

Madaxweyne Siilaanyo,  ayaa  ugu horayn tacsi u diray eheladda, qarabadda iyo guud ahaanba ummadda Somaliland ee uu ka baxay marxuumku, isagoona marxuumka ALLE uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka  ku tilmaamay in uu ahaa shaqsi qiimo weyn ku dhex lahaa  bulshadda Somaliland.   Waxaanu yidhi “INAA LI-LAAHI, wa inaa ILLAAHI RAAJICUUN.  Marxuum C/raxmaan Maxamed Talyanle, naxariistii  ILLAAHAY (SWT) haka waraabiyo.    Iinsaan  weyn ayuu ahaa, nin weyn oo dalka iyo dadkaba qiimo weyn ugu fadhiya ayuu ahaa, ALLE ha u naxariisto. Ehelkii iyo  qaraabadii  uu ka geeriyooday iyo kuligeen-ba ILLAAHAY (SWT)  Samir iyo iimaan haka siiyo”.

Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo isna ka hadlay  aaska marxuum C/raxmaan Talyanle, ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabadda, eheladda iyo golaha Wakiiladda ee uu ka tirsanaaba in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

C/raxmaan Saylici,  oo  ka sheekaynayay aqoontii uu marxuumka u lahaa waxa uu yidhi “Inaa li-laahi wa inaa ilaahu raajicuun, naf waliba way dhimanaysaa. Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa dhamaanba ummadda reer Somaliland meel kastoo ay joogaanba, gaar ahaana qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum/xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanle,  oo nin Somaliland aad ugu qaaliya ahaa, oo muddo badan dalkan dib-u-dhiskiisa iyo dib-u-heshiisiintiisaba ka soo shaqeeyay”.

“Imika-na xildhibaan qaran ahaa, oo runtii anagu saxiibo gaara oo aad isugu dhaw aanu ahayn, nin intii aan ka aqaanay oo ahayd 15-kii sanadood ee u danbeeyay aan ku tilmaami karro in uu ahaa nin ummadu ka afkiisa ka nabad gashay.

Waxaan ILLAAHAY (SWT) uga rejaynaynaa in uu dhamaanteenba Samir iyo iimaan inaga siiyo, isagana naxariistii janno ka waraabiyo, qarigana ALLE u nuuro, kana dhigo kuwa uu Nebigeenii Muxamed (scw) la xidhiidhiyo, ee ILLAAHAY raxmadiisa siiyo”ayuu yidhi Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.

Sidoo kale guddoomiyaha golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax, ayaa isna marxuumka tacsi u diray eheladda, qaraabadii  iyo qoyskii guud ahaan  shacabka Somaliland iyo golaha Wakiiladda ee uu ka trisanaaba in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

Musharaxa  madaxweynaha ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in marxuum C/raxmaan Maxamed  Maxamuud(Talyanle),  ayaa ku sifeeyay  marxuumka in uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan, isla markaana qayb weyn ka soo qaatay dhismaha qaranimadda jamhuuriyadda Somaliland oo uu xilal kala duwan ka soo qaybtay.

“ILLAAHAY ha u naxariisto marxuum C/raxmaan Talyanle, danbigiisana ALLE ha dhaafo, muslimiinta kale wixii ka horeeyayna danbigoodda ALLE ha dhaafo, inagana ILLAAHAY ha inooga daba naxariisto, ubadkiisii iyo qoyskii uu ka tegayna ILLAAHAY cawil (bedel) khayrqaba ha u so geliyo.

Waxaan u tacsiyadaynayaa golihii Wakiiladda ee uu marxuumku ka tirsanaa, qaranka Somaliland iyo ummadda dhanba waan ka tacsiyadaynaynaa, ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan ha inaga siiyo”ayuu yidhi Muuse Biixi.

Guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee gaolaha Wakiiladda Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, oo isna ka qayb galay aaska marxuuka ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadiisii iyo waxyaabaha uu ka xasuusta mudadii ay golaha ka wada tirsanaayeen.

Waxaanu yidhi “Anigoo ku hadlaya Af-ka golaha Wakiiladda, waxaan tacsi u dirayaa guud ahaanba qaranka jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaana golaha Wakiiladda, si gaara  qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay marxuum C/raxmaan Maxamed Talyanle, oo aan ILLAAHAY (SWT) uga baryayno  in uu naxariistiisa ku manaysto.

Marxuumka, waxaan aqoon u lahaa intii aanu golaha Wakiiladda ku wada jirnay, waxaanu ka mid ahaa ragga ugu mudakarsan golaha, uguna  akhlaaqda wanaagsan. Nin gefkiisa iyo dhac-dhaciisu aad u yar yahay ayuu ahaa, isagoo noolna looga markhaati kacay in aanu  ahayn qof shiddo u dhashay, ama laga filayo in uu wax xun sameeyo”.

Geesta kale musharaxa jagadda madaxweyne ee xisbiga Waddani C/raxmaan Cirro, oo ka mid ahaa masuuliyiintii aaska marxuumka ka qayb galay ayaa ka tacsiyadeeyay eheladda, qaraabadda, qoyska iyo shacabka Somaliland geeridda marxuum C/raxmaan Talyanle.

Isagoo ka waramayay shaqsiyadda marxuumka iyo aqoontii uu u lahaa, waxa uu yidhi  “Waxaynu joognaa ALLE ha u naxariistee aaska marxuum C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Talyanle), oo ka tirsanaa mudaneyaasha golaha Wakiiladda, kana mid ahaa saraakiisha xisbiga Waddani. Waxaan ILLAAHAY (SWT) uga baryayaa marxuumka in uu danbi-dhaafsiiyo, Janatul-fardawsana ka waraabiyo,  qoyskiisii iyo carruurtiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Qaranka iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna in ILLAAHAY (SWT) Samir iyo iimaan ka siiyo, iyo dhamaanteenba Samir iyo iimaan ka siiyo”.

Ugu danbayn  xubno ka mid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, culimadii, xildhibaano  iyo masuuliyiintii kale ee aaska marxuumka ka qayb galay ayaa   ALLE uga baryay in uu janatul-fardawsa ka waraabiyo.  Ehelka,  qaraabadda, qoyska iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee ku baxay  Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply