Prof. Samatar oo Ololaha Doorashada ka Hawl-gelaya Bariga Somaliland

0
420

Hargeysa(Dawan)- Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Khamiistii dalka dib ugu soo laabtay, ayaa sheegay inuu tegi doono gobollada bari ee Somaliland si uu u gaadhsiiyo barnaamijyada siyaasadeed ee xisbal-xaakimka KULMIYE oo uu ka mid yahay.

Prof. Axmed Ismaaciil, waxa uu sheegay in sannadkan uu filayo inuu noqdo mid ay Somaliland gaadho guulo badan. Waxa kaloo uu guul u ishaaray xisbiga KULMIYE. “Waxaan filayaa in sannadkani uu noqon doono mid  dadka reer Somaliland ay helaan guulo badan, xisbiga KULMIYE-na uu helo. Anigu mabsuud ayaan ku ahay soonoqoshadayda, maxaa yeelay hawshii ballaadhnayd ee doorashada ayaa waddanka gudihiisa ka bilaabantay, aniguna waxaan rajaynayaa markaan yara nasto inaan bari u baxo oo illaa intay lugtu gaadhi karto illaa Laasqoray iyo inta ka shisheysa haddii la gaadhi karo oo aan muddo ku maqnaado oo aan magaalooyinka waaweyn iyo daabiyadahaba dadka soo arko oo la soo sheekaysto oo fariimaha xisbigana aan gaadhsiiyo,”ayuu yidhi Prof. Samatar oo warbaahinta kula hadlay madaarka Hargeysa.

Waxa kaloo ka hadlay  Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Mustafe Faarax Abraar, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhaweynta Prof. Axmed Ismaaciil oo uu tilmaamay inuu safka hore kaga jiro siyaasiyiinta xisbal-xaakimka KULMIYE ee dejiyay barnaamijyada ololaha xisbiga.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply