Duqa magaalda Barselona ee xarunta u ah gobolka Kataloniya ayaa sheegay in ugu yaraan 761 qof ay dhaawacmeen kaddib markii booliska dalkaasi ay sameeyeen howgal ballaadhan oo ay xoog ku joojinayaan aftida dadka ku nool gobolkaasi ay ku doonayaan inay kaga go’aan Isbeyn inteeda kale.
Laamaha ammaanka ayaa dadka ka hor istaagay inay gudaha u galaan goobaha codbixinta. Kooxaha adeegyada deg dega ee gobolka Kataloniya ayaa sheegay inay daaweyeen dad badan oo ku dhaawacmay rabshadaha u dhaxeeya booliska iyo dadka kataloniya. Booliska ayaa na la sheegay in rabshadahani ay u adeegsadeen rasaasta cinjirka.
Hogaamiyaha gobolka Katalonia Mr Carles Puigdemont ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid sumcad xuma ku ah maamulka Madrid, waxaana uu sheegay in aysan marnaba ilaawi doonin ficilada ay sameyeen booliska.
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee Isbeyn ayaa Carles Puigdemont ku eedeeyay waxa uu ugu yeedhay falkani micna darrada.
Carles Puigdemont ayaa ku baaqay in wadaxaajood lagu xaliyo khilaafka ka dhexeeya xukuumadda Madrid ee ku salaysan aftida madax bannaanida.
Puigdemont ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Faransiiska in natiija kasta oo kasoo baxda aftidani ay weli muhiim tahay inay wadahadal la galaan dowladda dhexe ee Isbeyn.
Dadka ku nool gobolkaasi ayaa subaxniomadii shalay bilaabay inay safaf dhaadheer u galaan goobaha codeynta aftida madaxbanaanida ee ay mamnuucday dowlada dhexe.
Xukuumadda Madrid ayaa wacad ku martay in ay is hortaagi doonto afitida gobolka Kataloniya.