Madaxweyne Adduunka Caan ka ah oo Jaggo Eedadii Haysay Ku Bedelay Walaashii

0
371

Mid kamid ah madaxweyneyaasha waqtigan caalamka caanka ka ah ayaa eedadii oo kamid ahayd xubnaha sar sare ee xukuumada wadankiisa ku bedelay walaashii, isaga oo xilkaasi ka qaaday eedadii.

Madaxweynaah Kuuriyadda Waqooyi Kim Jong Un ayaa walaashii oo lagu magcaabo Kim Yo Jong  u dalacsiiyey una magcaabay xubin kamid ah  Golaha Sare ee ka taliya wadanka Kuuriyadda Waqooyi, taas oo warbaahinta caalamka aad u soo jiidatay.

Wargeyska Washington Post oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan, waxna ka qoray ayaa sheegay in arrinta la yaabka lihi ay ahayd in madaxweyne  Kim Jong Un uu jagadan ka qaaday eedadii oo hore jagadan u haysay kana mid ahayd Golahaasi sare.

Gabadhan oo da’deedu tahay 30 sanno jir ayaa  hore uga mid ahayd saraakiisha sar sare ee Xubno ka taliya wadankaasi, kuwaas oo u badan isku qoys, waxaanay hadda si toos ah uga mid noqonaysaa Golahaasi sare .

Dawlada Dalka Maraykanka oo ay colaad xumi kala dhaxayso dawlada Kuuriyadda Waqooyi  ayaa hore ugu dartay haweenaydan Liis ay soo saartay oo ay ku sheegtay inay yihiin dadka tacadiyadda badan ka geysta dalkaasi Kuuriyadda Waqooyi, gaar ahaana dhinaca Xuquuqda aadamaha.

Magcaabisteeda iyo dalacsiinteeda ayaa kusoo beegmaysa , xili uu madaxweyne Kim Jong Un sameeyey isku shaandhayn uu ku sameeyey Goleyaasha wadankaasi Kuuriyadda Waqooyi ka arrimiya .

Inta badan taladda dalkaasi Kuuriyadda Waqooyi waxa gacanta ku haya qoyska reer Kim Jong Un oo soo hayey muddo aad u dheer talada.

 

 

 

 

 

Leave a Reply