Mid Kamida Wershadaha Hindiya oo Muddo 36 Saacadood ah Shabeel Shaqadeeda Joojiyey

0
384

Mid kamid ah shaqaalaha warshad soo saarta gawaadhida oo ku taala wadanka Hindiya ayaa shaqada joojisay muddo 36 saacadood, kadib markii uu warshadaasi galay Shabeel  cabsi badan geliyey shaqaalaha warshadaaasi ka shaqaynaayey.

Shaqaalaha Beerta Xannaanaada Duurjoogta wadanka Hindiya ayaa muddo saacaddo ah iyaguna baadi goob ah ugu jiray qabashada Shabeelkaasi, iyaga oo baadhitaankaasi ka samaynaayey xarunta shirkadaasi.

Wargeyska Daily Mail oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan laguna daabacay qormadan ayaa sheegay in shaqaalaha shirkadda Maruti Zuzuki oo ah shirkadda ugu weyn ee gawaadhida Hindiya soo saartaa ay shaqadda joojiyeen muddadaasi 36 saacaddood ah ee uu Shabeelku ku jiray warshadda.

Warshadan oo ku taala magaalada lagu magcaabo Manesar ayaa soo saarta gawaadhida ugu badan ee wadankaasi lagu isticmaalo, waana magaalo u dhow magaalada Caasimadda ah ee New Delhi .

Shaqaalaha shirkadda ayaa si kedis ah u arkay shabeelkan dhex maraaya wershadda , iyada oo hore loo rumaysan waayey , waxaana markii dambe laga eegay Kamaradaha qarsoon ee CCTV-ga ah, taas oo keentay in shaqaalaha ay gasho cabsi badani.

Shirkadda ayaa muddo ka dib la xidhay si ku meel gaadh ah , iyada oo meesha laga saaray shaqaalaha ka shaqaynaayey wershaddaasi, gaar ahaana habeenkaasi , waxaana joogsaday shaqada warshadaasi oo soo saarta ku dhowaad hal milyan oo gaadhi  sannad walba.

Waxaana subaxnimadii soo gaadhey goobta ciidamo boolis ah oo gaadhaayey ilaa 50 askari iyo shaqaalaha xanaaneeya Xayawaanaadka, iyaga oo bilaabay baadi doonka Shabeelkaasi,waxaana shaqaalaha Xanaanada xayawaanku keeneen goobta adhi lasoo qalay oo lagu daray dawooyin kuwa suuxdinta ah.

Waxaanu goobta kasoo baxay  goor dambe, isaga oo cunay mid kamid ah adhigii  loo dhex dhigay wershadda ee Dawada lahaa, waxaanu noqday mid miyir doorsoomay, taas oo suurtogelisay in si fudud loo qabto.

 

 

Leave a Reply