Ugu yaraan lixdan qof ayaa lagu dilay weeraro is qarxin ah oo lagu qaadey masaajido kala duwan oo ku yaal Afgaanistaan jimcihii shalay. Sida ay sheegayaan saraakiishu nin hubeysan ayaa soo galey masjid shiicadu leedahay oo ku yaal Kaabul, ka hor intaanu ku furin rasaas, kadibna qarrxin aalad kuwa qarax ah, isaga oo halkaa ku diley 39 qof oo cibaadeysanayay.
Weerar labaad oo ka dhacay masjid sunniyiintu ku tukanayeen oo ku yaal gobolka Ghor ayaa isna isla shalay lagu diley 20 qof.
Tirada jimcihii lagu diley masaajidada Afgaanistaan ayaa sidaa ku noqoneysa ugu yaraan lixdan.
Weeraradan cusub ayaa ka dhigaya tirada dhimashada ugu yaraan 176 qof , kuwaasi oo lagu diley bambooyin daafaha Agaanistaan wiiggan.