Shirkad Baadi goobaysa Diyaaraddii Maleysiya ee la Waayay 2014

0
480

Dowladda Malaysiya ayaa heshiis la saxeexatay shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka, si ay u baadi goobto diyaaradii la waayay ee MH370.

Heshiiska ayaa waxa uu dhigayaa in shirkadda lacag la siinayo oo kaliya haddii ay wax soo hesho, haddii ay soo weydana aysan wax lacag ah lahayn.

Diyaaradda Malaysiya ayaa la waayay sanadkii 2014-kii, waxaana saarnaa rakaab dhan 239 qof.

Baadi goob horay loogu sameeyay diyaaradan ayaa waxaa ku kacday lacag dhan $200 milyan doolar ka hor intii aanan la joojinin bishii Janaweri ee sanadkan.

Shirkaddan oo fadhigeedu yahay gobolka Texas ee Maraykanka ayaa lagu magacaabaa Ocean Infinity, iyada ayaana qarashkeeda isu qabaysa haddii ay wax soo weydo.

Shirkadan ma aysan sheegin qarashka ku baxaya baadi goobka, balse sida uu sheegay wasiirka duulista hawada sare ee Australia Daren Chester, waxa ay shirkaddan wax ka baadhi doontaa aag dhan 25,000km oo baadhayaashii Australia horay u sheegeen in laga yaabo in diyaaradda ay ku jirto.

Qarniyaal badan ayaa la soo isticmaali jiray heshiisyada noocan ah ee dhigaya in haddii shirkadda aysan keenin wixii laga dalbaday marka hore, aanan la siinin wax qarashaad ah, waxaana habkan loo isticmaali jiray marka maraakiibta ay degto si loo soo helo badeecadii saarnayd.

Wasiirka gaadiidka Malaysia Liow Tiong Lai ayaa sheegay in shirkadda Ocean Infinity ay ka mid tahay saddex shirkadood oo arji usoo qoray dowladda ay ku dalbanayaan in la siiyo qandaraas ay ku baadi goobayaan haraagga diyaaradda.

 

Leave a Reply