Hoggaamiyihii Kurdiyiinta Ciraaq oo Xilka ka Degaya

0
398

Baarlamaanka gobolka Kurdiyiinta Ciraaq ayaa ansixiyay codsi uga yimi madaxweynaha maamul goboleedka Kurdiyiinta Ciraaq Masoud Barzani, oo dalbadey in aan loo cusbooneysiin xilka madaxtinimo marka uu ka dhamaado kowda bisha Nofembar.

Aqbalaadan ayaa ka danbeysay kulan albaabadu u xidhnaayeen oo baarlamaanku ku yeeshay caasimada gobolkaasi ee Erbil.

Iscasilaada  hogaamiyaha Kurdiyiinta Masoud Barzani ayaa ku soo beegantay toddobaadyo un kaddib markii uu gobolka Kurdiyiinta ee madaxda uu ka ahaa ee waqooyiga Ciraaq ay ka dhacday afti murran badan dhalisay.

Kurdiyiinta waqooyiga Ciraaq ayaa sheegay inay ka go’een Ciraaq inteeda kale.

Sarkaal Kurdish ah ayaa sheegay in Barzani uusan kordhin doonin muddo xileedkiisa marka la gaaro kowda bisha Nofembar, waxaa la rumeesanyahay in ku dhawaaqista iscasilaada madaxweyne Barzani looga dhawaaqi doona barlamaanka Kurdiyiinta maalinta axada.

Milateriga dowladda Ciraaq ayaa dhowrkii toddobaad ee lasoo dhaafay waday dullaan ka dhan ah xoogaga Kurdiyiinta si ay gacanta ugu dhigaan gobolka saliida qaniga ku ah ee Kirkuk.

Waxaana tallaabada Kurdiyiinta ay ku doonayaan inay kaga go’aan Ciraaq inteeda kale kasoo horjeystay dalal ay kamid yihiin Turkiga iyo Iran.

 

 

Leave a Reply