Isaga Ayaa Is Xidhay 20 Sano

0
391

James Robert Scott wuxu dhashay bishii Novemebr 20,  sanadkii 1969.  James oo ah nin Maraykan ah ayaa sanadkii 1993 ka tegay magaaladii u degenaa isagoo saxiibadii u raacay magaalo kale oo ku xigtay laakiin uu u dhexeeyay webi lagu xidhay derbi.

Scott wuxu doonayay inuu saxiibadii la joogo magaladaasi dhowr maalmood, sidaa awgeed derbiga ayuu meel yar ka dalooliyay si uu gabadhiisa ugu sheego in wadadii uu daad xidhay.

Laakiin derbigii uu dalooliyay ayay biyihii marba marka ka danbaysa si ballaadhiyeen taasi oo keentay ugu danbaystii inuu dhaco oo ku fataho goobo ballaadhan oo qiyaas ahaan gaadhaya 130 Km2 , daadka ayaa baabiiyay biriishiyo iyo guryo ay dadkii degenaa ka qexeen dadka awgiis..

Dadkaasi ayaa xataa soo jiidhay goobo xabaalo ahayd oo soo saaray maydkii ku aasna. Dawladdii Maraykanka aya ugu danbaystii ogaatay ninka falkan geystay inuu yahay Scott isagoo isaguna u qirtay Maxkamadda denbigaasi.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay 20 sano oo xadhig ah waxaana lagu xidhay Jeelka Massive dadkaasi ayaa loo yaqaan daadkii Massive (Massive Flood).  Wuxu doonayay inuu been gabadhiisa kaga badbaado laakiin wuxu galay denbi ka weyn.

 

Leave a Reply