Madaxweynaha Iiraan oo uga Digay Mareykanka inuu Jebiyo Heshiiskii Hubka

0
408

Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruhani ayaa sheegay in dalkiisu uu sameysan doono hub kasta  oo muhiim u ah in uu iskaga difaaco weerar lagu soo qaado.

Ruhani oo khudbad u jeedinayay baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in Iiraan kobcinta iyo sameysashada hubka sida gantaallada oo kale aysan ka dhignayn in ay jebineyso heshiisyada caalamiga ah.

Waxa uga digay Mareykanka ka bixitaanka heshiiskii ay wada saxiixeen Iiraan iyo quwadaha lixda ah ee caalamka, arrintaa oo ay sheegay in ay u daran tahay danaha Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan diiday in uu ansixiyo heshiiskaasi, waxa uuna Iiraan ku tilmaamay waddan ay ka go’antahay taageerada argagixisada.

Leave a Reply