Dacwado lagu Oogay Xubno ka Tirsanaa Ololaha Trump

0
385

Madaxii hore ee ololaha doorashada madaxweyne Trump, Paul Manafort ayaa isniintii lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin shirqool ka dhan ah Mareykanka, been xalaaleyn lacag iyo inuu dowladda u been sheegay.

Manafort iyo Rick Gates oo ah saaxiib ganacsi la ahaa, ayaa waxaa dacwado ku soo oogay xeer beegti federal oo ku sugan Washington DC, ayada oo tanina ay qeyb ka tahay baadhitaanka uu wado dacwad oogaha gaarka ee baadhaya faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashooyinka Mareykanka, Robert Mueller.

Dhinaca kale, Mueller ayaa shaaca ka qaaday in la-taliyihii hore ee siyaasadda arrimaha dibedda ee ololaha Trump, George Papadopoulos uu shantiii Oktober qirtay inuu wakiilada federaalka uga been sheegay bishii January xidhiidh uu la sameeyey saraakiil ka tirsan dowladda Ruushka

Warqado maxkamad ayaa muujiyey in mas’uuliyiinta ay xidheen George Papadopoulos bishii July shanteeda, kadibna uu shaaca ka qaaday inuu xidhiidh dhowr ah la sameeyey saraakiil Ruushiyaan ah.

George Papadopoulos ayaa sidoo kale waxa uu kooxda Mueller la galay heshiis ku saabsan inuu dambigiisa qirto, taas beddelkeedana uu wada-shaqeyn kala sameeyo baadhitaanka lagu hayo ololaha Trump, si xukunka looga khafiifiyo.

Leave a Reply