Dhalasho La Siiyay Sanam!

0
439

Markii ugu horeysay taariikhda caalamka ayaa Qalabka robotka oo loo eekaysiiyay  qof Aadami ah Boqortoyada Sacudi Carabiya ay dhalasho siisay..Robotkan oo loogu magac daray Sofiyo, ayaa toddobaadkan waxaa ay ka soo muuqatay bandhig lagu sameeyay magaalada Riyadh waxana ay sheegtay inay ku faraxsan tahay dhalashada la siiyay iyadoo ku tilmaantay mid taariikhi ah.

Robotkan ayaa lagu naanaysaa Elon Musk  ayaa ku sheegay waraysi inuu wax badan ka akhristay Elon Musk. Dad badan ayaan ka cadhaysan in aaladan la siiyo dhalasho iyadoo dadka badankiisu ku tilmaameen arrin macno aan ku fadhiyin oo ah riwaayad la metelayo.

Aaladan robotka ee Sofiya waxaa sameeyay shirkad laga leeyahay Hong Kong taasoo lagu magacaabo Hanson Robotic waxaana ay hore cinwaanada caalamka qabsatay kadib markii ay khudbad ka jeedisay Qaramada Midoobay. Khudbadaha iyo kelmadaha ay ku dhowaaqayso waa kuwii hore loo baray sida qalabka kale.

Goobtii lagu soo bandhigay Safiya ayaa hadal ay ka jeedisay ku tidhi : “Tan waa taarikhii inaan noqdo robotka ugu horeyay ee caalamka ee la siiyo dhalasho.”

Sofiya waa ay sii hadashay iyadoo sharxeysa rajadeeda robtyada mustaqbalka; “ Waxaan doonayaa in aan la noolaado oo aan la shaqeeyo bani’aadanka, haddaba waxaan u baahanahay inaan sharxo niyadeyda si ay bani’aadamku ii fahmaan ayna I aaminaan.”ayay tidhi.

Robotka uu sameeyay Hanson ayaa ah mid kaftami karta isl amarkaana ilko cadeyn karta sidoo kalana sheegi karta sheekooyin. Waxbase kama duwan qalabka kale ee dunida yaalla waayo malaha fikir maskaxeed iyada ka soo fuliya, inkasta oo muuqaalka loo eekaysiiyay aadamiga.

 

 

 

 

 

Leave a Reply