Hoggaamiyhii la Eryay ee Kataloniya oo Sheegay in aanu Raadsaneyn Magangelyo

0
399

Hoggaamiyhii la eryay ee Kaatalooniya  Carles Puigdemont ayaa sheegay in aanu u tegin dalka Beljam si uu uga helo magan gelyo.

Waxa lagu arkey meel fagaare ah magaalada Brussels isaga oo ay weheliyaan dhawr ka mid ah dadkii la jirey kadib markii uu ku dhawaaqey madaxbannaanida ay kaga go’ayaan dalka Isbeyn.

Mr Carloes waxa uu sheegay in aanu isku dayeyn inuu ka baxsado caddaalada balse uu doonayay meel  awood u yeesho  inuu six or ah u hadlo.

Spain’s central government has taken direct control of Catalonia and sacked officials, following the region’s banned independence referendum.

Waxa uu ka hadlaayay shir jaraa’id  iyada oo ay maxkamadda dastuuriga ah ee  dowladda Isbeyn ay joojisey baaqii xorriyadda ee uu sameeyey hoggaamiyaha Katalaan jimcihii.

 

Dowladda dhexe ee Isbeyn ayaa ku soo rogtey xukun toos ah Katalooniya, waxaaney eridey masuuliinteedii, kadib markii gobolku ku dhaqaaqey afti xorriyadeed oo la mamnuucey.

Leave a Reply