Xisbiga KULMIYE oo Isu-soo-baxyo iyo Mucaawanooyin uu Bixiyey ka Dhigay Ololaha Doorashada

0
386

Hargeysa (Dawan)- Xisbul-xaakimka haya talada Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa isu-soo-baxyo waawayn oo taageero iyo mucaawanooyin uu ugu deeqay xarumaha ciidammada iyo kuwa dadka jilicsan ku jiraan ka fuliyey guud ahaan dalka maalintiisa shanaad ee ololaha doorashada oo ku beegnayd shalay  oo Jimce ah.

Caasimadaha xarumaha u ah gobollada iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, ayaa laga sameeyey isu-soo-baxyo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ku soo bandhigay baaxaddiisa taageerada uu haysto iyo taakulo xoolo iyo hanti kale ah oo uu ugu deeqay cusbitaallada, talisyada ciidammada kala duwan, xarumaha agoomaha iyo xarumaha kale ee ay ku jiraan dadka baahani.

Gobolka Sool oo xudun u ahaa isu-soo-baxa xisbiga KULMIYE ku muujiyey taageerayaashiisa maalinta shanaad ee ololaha doorashada, waxa shacabweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolku soo bandhigeen taageeradooda ay ugu dabbaaldegeen xisbul-xaakimka.

Kumanaan qof oo taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo isugu soo baxay fagaaraha khayriyada Laascaanood, waxa kala qaybgalay Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiin miisaanleh oo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Md. Xuseen Aadan Cadde, wasiirro badan, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka Sool, haween, dhallinyaro, waayeel iyo madax-dhaqameed, waxa halkaas laga jeediyey hadallo loogu mahadnaqay taageerayaasha xisbiga, isla markaana lagu guubaabiyey inay codkooda la garab galaan maalinta codaynta.

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbad uu ka jeediyey fagaaraha Laascaanood si wayn ugu mahadceliyey kumanaanka taageerayaasha xisbiga ah ee isu soo baxay, waxaannu sheegay inay Sool safka hore kaga jirto deegaannada ku jira qorshe-siyaasadeedka xisbiga ee shanta sanno ee soo socota.

Ugu horreyn, waxa uu ka hadlay dariiqa reer KULMIYE u galaan doorashada iyo sababta xisbigu cod wayn uga doonayo gobolka Sool, waxaannu yidhi, “Haddii aynu KULMIYE nahay innagu doorashada waxaynu ku galaynaa; nabadgalyo, laba waxaynu ku galaynaa midnimada Somaliland, waxaynu ku galaynaa caddaalad iyo sinnaan, waxaynu ku galaynaa horumar dalkeenna ah iyo berri ka wanaagsan maanta iyo mustaqbalka carruurteenna oo aynu dhisno.”

“Haddii aannu KULMIYE nahay waxaannu codka halkan uga doonaynaa KULMIYE iyo xukuumaddiisa Sool iyo Laascaanoodba dhisto ayaa u taala, waayo halkan Laascaanood may lahaan jirin waddo laami ah ka hor intii aanay KULMIYE xukuumaddiisu qaban, waxaannu ognahay jaamacadda wixii aannu ka gaysanay, KULMIYE iyo xukuumaddiisu wixii ay nabadgalyada ka qabteen ee ilaa maanta ay heegan u yihiin ayaanu ku doonaynaa codka, ma nihin xisbiyo cusub oo malo-awaal ah oo iminka bar cusub wax ka bilaabaya, walaalayaal annagu waxaannu leenahay wixii hore ee aynu qabanay wixii qabyo ah waxay u qabyoobeen baanu garanaynaa oo waanu qabanaynaa, wixii innaga qalloocsamay waanu toosinaynaa, qorshe dambe oo horumarineed oo midaysana waynu galaynaa,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu xusay qorshayaasha xisbiga KULMIYE ee shanta sanno ee soo socda uga meelyaal gobollada bariga iyo guud ahaan Somaliland.

Isagoo arrintaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Reer Sool waxaannu ugu baaqaynaa Somaliland mid ah oo la wadaleeyahay oo loo simanyahay oo la wada leeyahay oo mustaqbalka laga wadashaqaysto, horena waanu u soo tijaabinay, shanta sanno ee soo socda qorshaha aannu u haynaa waa kaa, madaxweynihii hore waddada uu jeexay ee horumarka leh ee mustaqbalka leh ayeynu sii wadaynaa.

Dheg u dhigimayno rag iminka weel madhan sita oo waxay ku hadlayaanba yahay waxaannu yeeli doonaa, annagu waxaannu leenahay waxaana waanu qabanay, waxaanna waanu saxaynaa, qorshahaa cusubna waanu haynaa.”

 

 

 

Dhinaca kale, dadweynaha ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa iyaguna isu-soo-baxyo ay ku soo bandhigeen degmooyinka kala duwan ee magaaladu ka kooban tahay ku taageeray xisbiga KULMIYE.

Kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ah oo ka qaybgalay isu-soo-baxyo ka dhacday fagaarayaal ku kala yaal shanta degmo ee waawayn ee ay ka kooban tahay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ee kala ah; Axmed Dhagax, Maxamuud Haybe, Gacan-libaax, 26 June iyo Ibraahim Koodbuur, waxay ku muujiyeen heerka baaxadda ballaadhan ee taageeradooda xisbiga KULMIYE ah iyo sida ay diyaarka ugu yihiin doorashada murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka,  Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Sidoo kale, Xisbiga KULMIYE waxa uu deeqo xoolo ah gaadhsiiyey goobo kala duwan ee Gobolka Maroodi-jeex, waxaanna guddida ololaha xisbiga ee gobolku ay xoolo dhan 37 neef oo Geel ah iyo 136 neef oo Adhi ah ku wareejiyeen Talisyada Ciidammada Millatariga, Booliska iyo Asluubta, Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo cusbitaalka Qaaxada ee caasimadda, xarunta Agoomaha Hargeysa iyo xarumaha lagu hayo dadka qaba xannuunka maskaxda ama dhimirka.

Geesta kale, kumanaan ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Waaxyaha kala duwan ee ay ka kooban tahay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa xaafadaha kala ah; Sheekh Cismaan, Sheekh Cali Jawhar, Sheekh Axmed Salaan iyo Sheekh Makaahiil, ayaa isu-soo-baxyo kala duwan oo qayb ka ah ololaha maalinta shanaad ee xisbiga KULMIYE ee doorashada Madaxtooyada ku soo bandhigay barxado kala duwan oo ku yaala xaafadahaasi, waxaanna kala qaybgalay xafladahaasi masuuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan xisbiga iyo xukuumadda oo uu hormood u yahay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, ahna Guddoomiyaha Ololaha KULMIYE ee Gobolka Awdal.

Waxa kale oo guddiga ololaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Awdal ay mucaawano ay gaadhsiiyeen cusbitaallada iyo xarumaha dadka kale ee jilicsani ku jiraan oo qayb ka ah in xisbigu taakulo gaadhsiiyo dadka taageerada u baahan.

Gobollada iyo degmooyinka kale ee dalka ayaa sidaa si la mid ah looga sameeyey ololeyaal taageero xisbiga KULMIYE ah iyo taakulooyinka madaxda xisbigu ku bixiyeen goobaha ay ku jiraan dadka xannuunsanaya iyo kuwa in la caawiyo u baahan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply