Ardey ka Cabatey Imtixaan Xisaabeed Fasalka Siddeedaad ah

0
471

Isniintii waxaa dalka New Zealand ka dhacay imtixaanka qaran ee fasalka Siddeedaad ee loogu gudbo dugsiga sare.

Saddex warqadood oo imxitaanka ka mid ah ayay ardaydu aad uga cawdeen kuna tilmaameen wax aan suurogal ahayn in laga jawaabo, aad ayayna uga murugoodeen.

Waxaa xataa ka mid ahaa waxyaabo aan loo dhigin, sida uu ku warramay wargayska Herald ee dalka New Zealand.

Wargayska ayaa soo xigtay arday sheegaya in mid ka mid ah waraaqaha ay su’aaluhu ku qornaayeen ay ahayd wax aan maskaxda lagu qaban karin, mararka qaarna su’aalaha aan la soo raacinin macluumaad ku filan si ay si wanaagsan ugu fahmaan, ayna ku jireen su’aalo aan kuba jirin buugga wax looga dhigo.

Mid ka mid ah su’aalaha sida gaar ah looga hadlay waxaa ka kid ahaa mid aan lagu dhiganin fasalka labaad ee dugsiga sare ama fasalka tobnaad sida looga yaqaanno qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida.

Hadday su’aashaas gafaanna waxay ku mutaysanayeen labo ganaax.

Illaa iyo hadda labo iyo labaatan macalin oo xisaabta ka dhiga dalka New Zealand ayaa qoray waraaq furan oo cabasho ah oo ay u direen wasaaradda waxbarashada iyo waaxda Imtixaanaadka qaranka.

Waxay sheegeen in ay dalbanayaan imtixaan wanaagsan aysanna ahayn markii koowaad ee tan oo kale dhacdo.

Waalidka ayaa iyaguna cabasho ka muujiyay arrintan.

Wasiirka waxbarashada ayaa isna dalbaday warbixin dhamaystiran oo arrinta imtixaanka ku saabsan.

 

Leave a Reply