Janaraal ka Danbeeyay Xasuuqii Boosniya oo lagu Xukumey Xabsi Daa’in

0
470

Maxkamadda Heeg ayaa ku xukuntay xabsi daa’in taliyii  ciidamadii Boosniyiinta serbiya oo lagu helay xasuuq iyo denbiyo kale oo uu ka geystay  sannadihii sagaashamaadkii dagaalkii Boosniya.

Waxa uu ku caan baxay dad qalkii Boosniya, waxaana Ratco Mladic hoggaaminayay ciidamadii xasuuqa u   geystay  muslimiinta Boosniya  (Bosniaks) ee magaalada Srebrenica, islamarkaana go’doomiyay  caasimadda  Sarajevo.

Maxkamadda QM  ee Heeg ayaa ku heshay toban ka mid ahaa 11 kiis oo loo heystay.

Mladic, oo da’diisu tahay  74 jir, ma joogin maxkamadda markii xukunku dhacayay, waana laga saarey isaga oo ku qeyliyay awgeed garsoorkii.

.

Mladic waa uu dafirey eedeymaha oo dhan, waxaanu sheegay looyarkiisii inuu rafcaan ka qaadan doono.

Leave a Reply