Wasiirro Cusbitaalka ku Booqday Dhallinyaro ku Dhaawacmay Rebshadihii Ceerigaabo

0
426

Hargeysa(Dawan)- Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa shalay cusbitaalka guud ee Hargaysa ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay rebshadihii ka dhashay natiijadii doorashadda kadib.

Wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi,  wasiirmaha Arrimaha gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir ( Fartooon),  iyo Taliyaha ciidanka Booliska Gen. Cabdilaahi Fadal Iimaan,  ayaa shalay  cubitaalka guud ee Hargeysa ku booqday dhalinyaro ku dhaawacmay rebshadihii ka dhacay magaaladda Ceerigaabo.

Dhalinyaradaasi oo qaliino loogu sameeyey cusbitaalka isla markaana xaaladoodu ay hadda wanaagsan  tahay, ayay wasiirradii booqday waxay sheegeen   in dawladda ahaan caafimaadka dadkaasi ay damaanad qaadeen sidoo kale ay gacan weyn ka gaysan doonaan daryeelka dhaawcyadaasi.

Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka madaxtooyadda  ayaa ka hadlay booqashadooda waxaannu yidhi “Waxaannu maanta (shalay)  oo jimce ah aniga iyo wasiirka arrimaha guduha iyo taliyaha ciidanka boolisku ku booqanay cisbitaalka guud ee caasimada laba dhalinyaro ah oo ku soo dhaawacmay rabshadihii ka dhacay magaalada Ceeribgaabo.

Dhalinyaradaasi oo dhaawac culusi soo gaadhay oo qaliin loogu sameeyey cisbitaalka, waxaannu la wadaagaynaa qoysaskooda murugadaa iyo tiiranyadaa haysata, waannnu ka xunahay dhibaatooyinkaas, ciidamada ammnigu waa saaxiibka dadweynaha, dhibaatada ma abuuraan, ammni darada iyo dhibaatooyinka ayey la dagaalamaan, dab munaafaq shiday muumin ayaa ku gubta, dadkaa yaryar ee dhibaatoobay waxa masuuliyada dhibaatadaa iska leh cidii fidnadaa kicisay.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply