Gabadh isticmaashay Malaayiin Doolar oo si Khaldan loogu Shubey Sanduuqeeda

0
465

Dacwad oogayaasha dalka Australiya ayaa ka noqday dacwad wax is dabomarin ah oo loo heystay haweenay u dhalatay dalka Malesiya oo u isticmaashay malaayiin doolar si aan haboonayn.

Gabadhan oo lagu magacaabo Christine Jiaxin Lee, 22 jir ah, ayaa saduuqeeda bangiga loogu shubey lacag dhan $4.6 milyan oo doolar si kama’a ah.

Gabadhan ayaa lacagta inteeda badan ku isticmaashay alaabo qaali ah sida boorsooyin, dahab iyo waxyaabaha kale ee ay dumarka isku qurxiyaan.

Lacagta ayaa waxaa sanduuqeeda ugu shubay bangiga Westpac Bank, booliiskana waxa ay sheegeen in arrintan ay ka dhigantahay wax isdabo marin iyo qiyaamo ay gabadha samaysay.

Garyaqaanka Lee ayaa sheegay in ay ku laabatay Malesiya, islamarkaasna ay ka nafistay culeyskii badnaa ee ka soo wajahay booliiska.

Qaar badan oo ka mid ah alaabihii ay iibsatay ayaa dib loo celiyay, dibna la xaraashay.

Waxa ay horey ardayad uga ahayd jaamacadda Sydney, iyada oo sanduuqa bangiga furatay sanadkii 2012-kii, kadibna bangiga ayaa ugu soo shubay lacagta qaldan.

Sanadkii 2015-kii ayaa la ogaaday khaladka dhacay.

Inkasta oo gabadha lagu eedeeyay in ay daacadnimo daro muujisay, haddana xaakim dacwadeeda dhagaystay ayaa sheegay in aysan dambi ahayn isticmaalka lacagta.

Bangiga Westpac ayaa sheegay in ma’uuliyadda oo dhan uu isaga qaadanayo, wixii khaladamayna uu saxayo.

Leave a Reply