Madaxweynaha Zimbabwe oo Jagooyin muhiim ah u Magacaabay Xubno Milateri

0
410

Madaxwaynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, ayaa magacaabay golahiisa wasiirrada, isaga oo saraakiil sarsare oo militariga ka tirsan u magacaabay jagooyiin sarsare.

Mucaaridka ayaa ku dhaleeceeyay magacaabistan in mid la marin habaabiyay oo  lagu xad gudbey rajadaii laga lahaa is beddel.

Mnangagwa ayaa la dhaariyay todobaad ka hor ka dib markii uu iscasilay Robert Mugabe, oo xukunka dalkaasi hayay 37 sano.

Wasirka arrimaha dibadda ee cusub ee Zimbabwe waa Sibusiso Moyo, waana janaraalkii laba todobaad ka hor sida la yaabka lahayd telefishinka dalkaasi uga dhawaaqay in awooda dalkaasi ay ciidamada la wareegeen.

Madaxa ciidamada cirka Perence Shiri ayaa loo magacaabay wasiirka dhulka iyo beeraha.

Waxaa uu caan ku ahaa oo uu hogaaminayay howlgalkii ka dhacay goobta lagu magacaabo Matabelelandin horraantii 1980 kaasi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 20 kun oo rayid ah.

Mid ka mid ah dadka dhaliila dowladda , Tendai Biti ayaa sheegay in wakhtigii dabaaldaga uu dhammaaday.

Biti ayaa intaa ku daray in si sahlan ay u rajaynayeen isbadal taasi oo muujinaysa ayuu leeyahay  sida  ay  u khaldanayeen.

Dadka qaar ayaa filayay in madaxweyne Mnangagwa magacaabi doono xubno ka mid ah mucaaaridka si uu u sameeyo dawlad ku meel gaadh ah ilaa doorashada sannadka danbe, balse taasi ma dhicin.

 

Leave a Reply