Somaliland oo Xubin ka Noqonaysa Xidhiidhka Caalamiga ah ee Ciyaaraha Chess-ta

0
458

Tunisia(Dawan)-Mr. Maxamed-iid Cismaan Daahir, Xoghayaha Xidhiidhka Ciyaaraha (Chess) ee Somaliland ayaa shaaciyay  in xubin  Somaliland  ka noqoto Xidhiidhka ciyaaraha (Chess) Adduunka & xidhiidhka Afrika lagaga hadli doono shirweyne ay yeelanayaan  dhammaadka bisha November.

Madaxweynaha  xidhiidhada e Afrika Mr. Lewis Ncube iyo Mr. Tahar Battikh Madaxweynaha xidhiidhka Chess-ta ee Tuuniisiya ayaa  la sheegay inay qoraal martiqaad soo gaadhsiiyey  xidhiidhka ciyaarta Chess-ta Somaliland la xidhiidha ka qaybgalka shirweynaha Tuuniisiya.

Mr. Maxamed-iid Cismaan Daahir, oo ah xoghayaha Arrimaha Dibedda ee xidhiidhka ciyaarta Chess-ta Somaliland ayaa Wargeyska Dawan u xaqiijiyey in ajendaha shirweynaha ciyaaraha (Chess) ee qaarada Afrika oo sannadkan ka dhici doona dalka Tuuniisiya si rasmi ah Somaliland loogu martiqaaday, waxaaNnu yidhi,“Waa fursad wanaagsan oo guud ahaan shacabka Somaliland u soo hoyatay. Ilaahay baa mahadeeda leh ugu horeyn, intaa ka dib, waa midhahii ka dhashay  dedaalo sannadahii u dambeeyey ugu jireen madaxda Wasaaradda Ciyaaraha, gaar ahaan Agaasimaha Guud Mr Maxamed-dhabeeye iyo Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha Chess-ta Mr. Mustafe Cabdiraxmaan inay Somaliland ka dhexmuuqto fagaarayaasha caalamka.”

Mr. Maxamed-iid ayaa intaas ku daray  in shirweynaha dabayaaqada bishan lagaga hadli doono dalab xidhiidhka Somaliland ku doonayeen xubinnimada  xidhiidhka Ciyaarta (Chess) ee Adduunka oo  ay hore  ugu gudbiyeen; “Sida ku cad ajendaha shirweynaha ciyaaraha (Chess) ee qaarada Afrika oo  bishan dhammaadkeeda ka furmi doona dalka Tuuniisiya waxa lagu caddeeyey in lagu ansixin doono xubin Somaliland ka noqoto xidhiidhka ciyaaraha (Chess) ee Adduunka iyo xidhiidhka Qaarada Afrika,”ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Mr. Maxamed-iid Cismaan Daahir ayaa ka codsaday Madaxda Wasaaradda Ciyaaraha, shirkadaha  gaarka loo leeyahay iyo bulshada Somaliland inay ka qeybqaataan sidii xidhiidhka ciyaaraha (Chess)ta Somaliland uga qeybgeli lahaa kulanka, waxaannu yidhi,“Madaxda Wasaarada Ciyaaraha, shirakdaha gaarka loo leeyahay, iyo shacabka Somaliland waa inay u midoobaan xaqiijinta guushan oo taageeri doonta  madaxbannaanideena, isla markaana sare u qaadi doonta meeqaamka Somaliland ee caalamka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply