Wasiir Bulshada Reer Buuhoodle uga Digay Marti-gelinta Shir Fidmo Abuur ah oo Dibadda Laga soo Waariday

0
431

Hargeysa(Dawan)- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland,  Yuusuf Axmed Faarax, ayaa uga digay bulshada reer Buuhoodle inay martigeliyaan fidno dibedda laga soo abaabulay oo aanay dani ugu jirin isla markaana waxyeello ku ah noloshooda oo dib u dhaca ay dalka intiisa kale kaga hadheen ku sii haysa.

 

Waxa kaloo uu madaxdhaqameedka degaankaas iyo siyaasiyiinta fikirka lidka ku ah Somaliland aaminsan u soo jeediyay in ay dadkooda dhibaatada ka daayaan oo ay usoo noqdaan xaqiiqada dalkooda iyo dadkooda Somalilandna wax la qabsadaan oo ay ka gudbaan wax kasta oo degaankooda iyo dadkooda dhib ku ah isla markaana ay cid kale ugu adeegayaan.

 

Wasiir ku-xigeenku wuxuu   hambalyo iyo duco u diray Madaxweynaha la doortaya Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici  oo uu u gudbiyay talooyin uu u arko in ay wax ka tari karto degaanada bariga Somaliland oo uu Buuhoodle ka mid yahay,waxaannu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu xalay  siiyay Wargayska Dawan.

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay shir la sheegay inuu lid ku yahay qarannimada Somaliland oo  Buuhoodle lagu qabanayo iyo siday ula socdaan,ayaa ku jawaabay. “Horta waxaa dadkaa lagu mashquuliyay khilaafyo kala dambeeyay oo muddo soo  taxnaa,khilaaf kasta oo degaankaas lala tagaana dadka degaanka dhibaato iyo geeri ayuun buu ku soo kordhiyaa, cidda wadda ama dhibaatada sababtana iyaga iyo carruurtooda toona waxba ma gaadhaan halka ay dhimashada iyo khasaaruhuba uu keli ku yahay dadka degaanka ee marba fidmada iyo sharka lagaga baxsanayo.

Waxaynu wada ogsoonahay in dadka reer Somaliland markii ay burburtay dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya waxay isugu yimaadeen Burco oo ay ku go’aamiyeen in ay qarannimadoodii lixdankii la soo noqdaan iyadoo aanay jirin wax  la isku diidan yahay ayaa Somaliland la wada dhistay sidii ayaanay inoogu dhisan tahay,laakiin markii Puntland la sameeyay ayay siyaasiyiin iyo madax dhaqameed dano shaqsi ah wataa ay khilaafkii koowaad bilaabeen oo ay Buuhoodle gabbaad ka dhigteen. kii labaadna mid dibeDda laga soo abaabulay ayuu ahaa oo dadka lagu kala qaybiyay mid kastaana  geeri ayuunbuu  sababay ay dad ku dhinteen hantiyina ay ku bur burtay.”

“Khilaafkii  saddexaadna kii Cali Khaliif iyo kooxdii Taleex ku shirtay ay keeneen ayuu ahaa, laakiin Cali Khaliif markii uu xaqiiqada gunta soo taabtay ee uu arkay in aanay dadkiisa Muqdisho waxba u ool Somaliland ayuu u so noqday oo wax la qabsanaya dawladda ayaanu soo raacay oo  maanta waa Prof. reer Somaliland ah.  markii taasi ay dhammaatay ayaa imikan mid afraad oo hor leh oo dhibaato degaanka u ah Xamar laga soo waariday oo la doonayaa in Buuhoodle lagu qabto,”ayuu yidhi Yuusuf Axmed Faarax.

 

 

Wasiir ku-xigeenku wuxuu si gaar ah ula taliyay bulshada reer Buuhoodle, waxaannu yidhi; “Markaa waxaan u sheegayaa dadka reer Buuhoodle in ay ka feejignaadaan cid aan dan u wadin oo dano shaqsiya wadata oo dibedda kaga soo duusha oo carruurtoodu  dibedda ugu maqan tahay oo iyaga iyo carruurtooda dagaal iyo dab ku shida. Dadka reer Buuhoodle waxaan leeyahay reer Somaliland ayaad tihiin waanad ahaanaysaan, waxaanay dantiinu ku jirtaa in aad dalka intiisa kale wax la qaybsataan,  shirkaasina waa fidmo ee iska qabta, Buuhoodlena dani uguma jirto in ay bilaa maamul ahaato oo cid waliba iska soo gasho ee dalka waad ka hadheen ee soo raaca oo dadkiina wax la qabsada.”

 

Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay Madaxweynaha la doortay wuxuu talo ahaan ugu soo jeedin lahaa in uu gobolada bari ee dalka u waajaho,ayaa ku jawaabay. “Ugu horrayn madaxweynaha la doortay md Muuse Biixi Cabdi waan hambalyaynayaa isaga iyo ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil waxaanan ALLE uga baryayaa in uu xilkaa ku asturo oo u fududeeyo,waxaanan leeyahay Madaxweynaha la doortay ka dhabee ballanqaadkaagii ahaa waxaan soo dhisayaa dawlad xisbiga KULMIYE ah waxaa kaloo aan talo ahaan ugu soo jeedinayaa in uu kula dhaqmo gobolada bari ee dalka siyaasadii nabadaynta iyo waxqabadka iyo horumarka ahayd ee Madaxweyne Siilaanyo deegaanada kula dhaqmay oo suura geliyay in dad badan  oo markii hore Somaliland necbaa oo Soomaaliweyn aaminsanaa xaqiiqada tustay oo dib u soo celisay.”

“Waxa kaloo aan leeyahay Madaxweynaha la doortay waa markii ugu horraysay ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenkuba ay ka soo jeedaan goboLlada galbeedka, markaa waxaan Madaxweynaha talo ahaan ugu soo jeedin lahaa in uu isagu reer  bari noqdo oo aanay dawladdu noqon mid galbeedka oo qudha ka shaqaysa, ta ugu dambaysa ee aan Madaxweynaha kula talinayaa waxay tahay in degmada Buuhoodle waxqabad iyo horumar laga hirgeliyo oo dadka la kasbado oo mashaariicda horumarineed ee dalka ka hirgalay laga qaybgeliyo taasoo ah dariiqa ugu wacan ee dadka iyo dalkuba ay ku midoobi karaan,”ayuu yidhi Wasiir Yuusuf, waxaannu intaas raaciyay;
“Reer Buuhoodlena waxaan leeyahay in ay magaaladu bilaa maamul ahaato oo cid waliba iska soo gasho oo muraadkooda ka fushato,, magaalo ku ahaan maysaan, idinkuna meel ku gaadhi maysaan. waxay dantiinu ku jirtaa in aad yeelataan maamul dhisan oo shaqeeya oo booliis leh oo dawlad hoose leh oo caafimaad leh oo garsoor leh oo Somaliland ah taasoo qudha ayaanad wax ku noqonaysaan ee u diyaarsanaada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply