Madaxweyne Muuse Biixi oo Balanqaaday inuu Dhegaysan Doono Talooyinka Waxgaradka Dalka oo Dhan

0
387

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa mar kale balanqaaday  inuu  waddanka ku maamuli doono  sinaan iyo caddalad, isla markaana uu dhegaysan doono talo kasta oo loo soo jeediyo.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu sidaas ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan ballaadhan oo uu shalay gurigiisa magaalada Hargeysa, kula kulmay madaxdhaqameedka siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo Ganacsatada beelaha Garxajis, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Aadan Suldaan Faarax, Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey, Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre, Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan iyo siyaasiyiin miisaan culus ku leh Somaliland, ayaa madaxweynaha si kal iyo laab ah ugu bogaadiyay  guushii isaga iyo ku-xigeenkiisu kasoo hooyeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday, iyaga oo Allena uga baryey inuu xilka u fududeeyo oo caddaaladda ku sugo, isla markaana waxay si cad ugu sheegeen inay si xilkasnimo leh ula shaqayn doonaan.

Waxa madaxweynaha la doortay ku wehelinayay kulankaas Madaxweyne-ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubno sarsare oo hoggaanka xisbiga KULMIYE ka tirsan, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo ay labada dhinac isugu muujiyeen inay si dhaw u wada shaqayn doonaan, isla markaana ay gacmaha isu qabsan doonaan sidii gebi ahaanba bulsho-weynta reer Somaliland midnimadooda iyo wadajirkooda u sii xoogaysan lahaa oo aannu marnaba wiiqmin.

 

Xubno ka mid ah salaadiinta ugu magaca weyn geyiga Somaliland oo ay kamid yihiin Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi Qani, Suldaan Aadan Suldaan Faarax iyo odayaal kale oo kulanka ka hadlay, ayaa madaxweyne Muuse Biixi u sheegay inay beel ahaan ka midaysan yihiin la shaqayntiisa iyo ku gacan-siinta arrimaha horyaalla, isla markaana ay ka go’an tahay in Somaliland oo gacmaha is wada haysataa garab istaagto madaxweynaha ku-xigeenkiisa la doortay, iyagoo ka codsaday madaxweynaha cusub inuu si cilmiyeysan wax uga qabto wixii tabasho ah ee jira.

Siyaasiyiin waaweyn oo beeshan kasoo jeeda oo ay ka mid yihiin Ambassador Xuseen Cali Ducaale (Cawil), siyaasi Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa iyaguna hambalyeynta madaxweynaha iyo ku-xigeenka cusub ee la doortay tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay la shaqaynta madaxda cusub, isla markaana waxay isku raaceen sida ay ugu kalsoonyihiin Madaxweynaha cusub inuu yahay hoggaamiye midaynaya ummaddiisa.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee loo doortay Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka mahadceliyey hambalyada iyo taageerada way nee madaxdhaqameedka iyo odayaasha beelweynta Garxajis siiyeen, waxaannu u sheegay inuu talo, nasteexo iyo hogo-tusaalaynba marti uga yahay, isla markaana ay qayb ka yihiin qorshihiisa guud ee uu madaxweyne ahaan uu ka leeyahay dhammaanba beelaha reer Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa intaas ku daray inuu diyaar u yahay fulinta qorshe caddaalad iyo sinnaan ku dhisan oo uu ka hirgeliyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhammaan deegaannada kala duwan ee uu ka kooban yahay, isla markaana uu dhegaysan doono wax kastoo talo ah oo loo soo jeedinayo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply