‘Anigu Aad Ayaan u Nasiib Wanaagsanahay’!

0
433

Dad badan oo dunida ku nool ayaa diiwaanka loogu qoraa inay yihiin dad aad u nasiib xun oo noloshu dhibaato ku tahay, halka kuwo kalena lagu sheego inay yihiin kuwo nasiib badan. Laakiin arrimaha dhacaya waa kuwo Qadar Allah la xidhiidh oo aanu qofka aadamigu maamulkeeda lahayn.

Frank Silac waa macalin miisiga bare sare ku ah oo u dhashay dalka Croatia waxaan ku dhacay dhacdooyin shilal  xidhiidh ah oo naxdin badan oo haddana uu ka badbaaday.

Markii ugu horaysay tareen uu la socday  ayaa ku dhacay meel webi ah waxaana la dilay dhamaan rakaabkii saarnaa isaga mooyee. Waxa kale oo ku dhacday isagoo wada  gaadhigiisa inuu isku deyay inuu dhaafo gaadhi xamuul ah, laakiin shil xun ayaa halkaasi ka dhashay  waana uu ka nabad galay markii gaadhigiisa uu ka dhacay,  laakiin gaadhigiisa uu arkayay isagoo ku sii dhacaya dhul hoose. Waxa kale oo uu ka badbaaday shil dayuuradeed.

Honlen oo u dhashay dalka Ingriiska ayaa lagu sheegaa inuu yahay kan ugu nasiibka xun dalkaasi, inkasta oo dhinaca kalena la odhan karo waa qof aad u nasiib wanaagsan. Ninkan ayaa 16 jeer ka badbaaday shilal isdaba joog ah oo uu la kulmay sida shilal gaadhi, Hilaac asiibay. Waxa kale oo yaab noqotay in markii uu geed ka soo dhacay ee uu ka jabay lugta lana geeyay dhakhtarka uu gaadhiga siday uu shil galay, iyadoo halkaasi uu dhaawac kale soo gaadhay.

Leave a Reply