Dawlada Hindiya Oo Sharci Qabyo Ah Kasoo Saartay Furiinka Deg Dega Ah

0
407

Maxkamad ku taala dalkaasi Hindiya ayaa soo saartay sharci mamnuucaaya in dumarka si deg deg ah loo furo, sida lagu daabacay wargeyska India Times ee kasoo baxa dalkaasi oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay qormadan.

Sharcigan oo weli qabyo ah ayaa la filayaa in la dhamaystiro, iyada oo laga yaabo in ragga sida deg dega ah u fura dumarka lagu xukumo ilaa saddex sanno oo xadhig ah, waxaana hadda laga baaraan degayaa sidii dalkaasi loogu dhiqi lahaa.

Iyada oo bishii August ee sannadkii hore la isku deyey in la meel mariiyo sharcigan ayaanay haddana noqon mid fula, madaama oo dadka dalkaasi ku nooli yihiin kuwo kala duwan dhaqan ahaan iyo diin ahaanba, taas oo keentay inuu shaqayn waayo sharcigaasi.

Sharcigan weli qabyadda ah ayaa la rajaynayaa inuu caawiyo dumarka reer hindiya oo uu ku badan yahay furiinku, gaar ahaana furiinka deg dega loo furo dumarku, iyada oo ay dalkaasi ku badan yihiin dumarka carmalka ah ee sida deg dega ah lagu guursadaa laguna soo furaa.

Sharcigan oo lagu magcaabo sharciga qabyadda ah ee  ilaalinta xuquuqda dumarka  ayaa dhowaan la doonayaa in loo gudbiyo maamul goboleedyada dalkaasi Hindiya ka dhisan, kuwaas oo iyaguna go’aano ka soo saari doona kana baaraan degi doona.

Sharcigan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelanaaya dadka Muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool, isaga oo meesha ka saaraaya saddexdii dalqadood ee la furaayey gabadha, waxaanu jidaynayaa in hal dalqad lagu furi karo gabadha marka la furaayo.

 

 

Leave a Reply