Mucjisada Endorphins Iyo Jidhka Aadamiga!

0
454

Aqoonyahanada dawada ayaa cadeeyay  on dheecaanada uu jidhku soo daayo ee  endorphins ay jidhka ka baabiyaan werwerka iyo walbahaarka. Ereyga “endorphins” waxay ku qeexeen inuu yahay  firfircoonida jidhka.  Waana hormoono ku jira dawada la siiyo marka uu qofku isku buuqo si loo dejiyo.

Dheecaanadan uu jidhku soo daayo ee endorphins waxay caawiyaan habka uu jidhkeeno ku yareeeyo xanuunada. Waana mid ku jirta dawooyinka dadka lagu suuxiyo ama lagu seexiyo.

Cilmi baadhis cajiib ah ayaa lagu ogaaday in jidhkeeno uu si xoog leh usoo daayo dheecanadaasi marka uu qofku tukanayo salad khushuuc leh. Waxaana lagu qiyaasay inay taasi u dhiganto qiyaas 6 xabo oo endorphins, taasi oo qofka aanu dareemayn niyad jab, xanuun iyo xataa baqdin.

Waana sababta uu Rasuulku (scw) u yidhi markii Saxaabiga Bilaal salaadda u sheegayo “ inoo raaxee Bilaalow”. Waxa kale oo dhacay in dad badan xataa qaliino lagu sameeyay iyagoo aan la suuxin laakiin salaad ku jira.

Leave a Reply