Qiso: Hamigiisa Ayaa Hogaamiye Ka Dhigay!

0
516

Haddii aanad lahayn qorshe waxaad diyaar u tahay in aad fashi ku danbayso.

Wakhtigii uu talada qabtay Khaliif Cumar Binu C/casiis waxay ahayd wakhti adag oo dulmiga iyo cadaalad daradu hadhaysay bulshadii muslimiinta oo waayadaasi ay xukunka u hayeen Umawiyiintu. Casrigaasi waxay muslmiintu xataa ka cabanayeen in xukunka khilaafada uu qabiilku saameeyay.

Bulshada muslimiintu waxay tebaysay hogaan ka saara xaaladaha jira. Waxa la doortay Cumar Binu C/casiis, waxa uu soo celiyay cadaaladii, iyo xidhiidhkii walaaltinimo  ee daciifay.

Waxa uu ahaa amiirkii 8 ee xukunkii Umawiyiinta waxa uu dhashay (61 H- 101 H) Waxaan loogu magac daray inuu yahay khaliifkii shanaad hogaan wanaagiisa iyo cadaaladiisa awgeed.  Waxa ahaa Amiir qorshe dejistay oo mar kasta inuu kaga dhabeeyo, taasina isagoo a hadlaya waxa uu yidhi :

“waxaan leeyahay  hami sare, waxaan ku hamiyay oo aan doonay inaan guursado Faadumo Bintu Cabdi Malik waana aan guursaday,  waxaan hadana doonay inaan badhasaab noqdo waanan noqday, hadana waxaan qorsheeyay inaan khaliifka muslimiinta noqdo, waanan noqday imikana waxaan doonayaa inaan jannada galo Ilaahay baanan ka baryayaa inuu ii rumeeyo”. Qorshaha iyo hadafku waa qiimaha nolosha.

 

Leave a Reply