Dadweynaha Somaliland oo ku Diirsaday Awaamiirtii ka soo Baxay Shirkii Kowaad ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Cusub

0
347

Hargeysa(Dawan)- Ra’yul-caamka Bulshada Somaliland,  ayaa si weyn u soo dhaweeyey go’aankii u  horreeyay ee ka soo baxay shirkii kowaad ee ay Sabtidii  yeesheen  Golaha cusub ee Wasiirrada  xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay ka soo baxeen qaraar  shacbiga naruuro geliyay oo toddoba qoddob ka koobnaa.

 

Shirkaas oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu amarro culus dul-dhigay wasiirradiisa, waxaanu faray awaamiir uu kor ugu qaadayo  haybada dawladnimo oo uu doonayo inay dhaqan u noqoto adeegeyaashiisa ka saacidaya waajibaadka uu qaranka u hayo.

 

Dadweynuhu waxay madaxweynaha ku bogaadiyeen talaabada lagu diwaangelinayo  hantida wasiirrada xilalka loo dhiibay ay haystaan xiligan , si  ay mustaqbalka  u fududaato  in la baadhi karo, haddii ay dhacdo in looga shakiyo inay ku tagri-faleen hantidii ummadda ee ay masuulka ka ahaayeen. Qodobkaasi waxay dadweynuhu u arkeen inuu hordhac u yahay fulinta balanqaadkii madaxweynuhu ku galay ololihii doorashada madaxtooyada ee la xidhiidhay inuu la dagaalamayo musuqmaasuqa.

 

Waxa kaloo bulshada soo jiitay qodob kale oo la xidhiidhay inaanay wasiirradu ka qaybgali karin shirarka qabaa’ilka oo ahayd caado taban oo dawladnimada Somaliland nusqaan weyn ku ahayd rubuq-qarnigii la soo dhaafay.

 

 

Khuburrada dhaqaalaha yamxeerisa, ayaa la dhacsan in  madaxweynaha cusubi uu soo afjaray  xafladihii  xilalka lagu kala tirsan jiray Huteelada waaweyn, oo ay ku bixi jirtay lacag xad dhaaf ah oo laga baaqsan karay. Madaxweynuhu wuxuu soo nooleeyey  sunihii   ahaa in xafladaha  xil wareejintu ay ka dhacaan goobaha shaqada oo kaliya.

 

 

 

Waxa madaxweyne Muuse Biixi lagu ammaanay inuu muddadii yar  ee uu xilka hayay  uu aad u adkeeyay sirtii dawladda, taasina ay meesha ka saartay in go’aamadiisu   dibadda u baxaan, ka hor inta  aanu  ku dhawaaqin. Waxaanu golihiisa wasiirrada ku dhaariyay inay ilaaliyaan sirta golaha iyo ta qarankaba. taageerada bulshadu u muujisay go’aamadani waxay hadhaysay goobaha  bulshadu ku kulanto iyo saxaafadda bulshada.

 

Waxaa dadka siyaasadda la socdaa ay madaxweynaha ku majeerteen inuu  bilaabay xoojinta wada shaqeynta wadareed ee golihiisa wasiirrada si ay u wadajir ugu  taabogeliyaan himilooyinka  uu doonayo inay qaranka  ugu adeegaan. Waxa kaloo madaxweynaha looga  mahadceliyay inuu ka ka taxadarayo  in golihiisa wasiirradu noqdaan  qaar ku hirdamaya  kala hororsiga danno gaar ah ama kooxeed.

Waxa go’aanka ka soo baxay shirkii u horreeyey ee Wasiirradu noqday mowduuca ugu hadal-haynta badan 48 saacadood ee la soo dhaafay, waxaanay ra’yul caamku ka sinaayeen  taageerada ay u muujiyeen   7dii  qoddob ee loogu wanqalay dhaarintii golaha cusub ee wasiirrada, waxase jiray dad ku baaqayey in madaxweynuhu uu si joogto ah ugu dhabo-galo sida loo meelmariyay awaamiirtan oo bulshadu u aragtay  inay kaalin ka gaysanayaan hannaanka maamul wanaagga ee dawladdu ku taamayso inay waddanka ku dhaqdo shanta sannadood ee fooda innagu soo haya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply