Xabad joojin ay dhawaan kala saxeexdeen dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada hubeysan ayaa ka dhaqan gashay dalkaasi, tallaabadan ayaana ah isku-daygii ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo dagaal sokeeye oo halakeeyay waddankaasi afartii sano ee la soo dhaafay.
Heshiiska xabad joojinta ayaa dowladda Suudaanta Koonfureed iyo falaagada dagaalka kula jirta waxa ay ku kala saxeexdeen maalintii Khamiistii dalka Itoobiya.
Heshiiskan ayaa dhigaya in hey’adaha gargaarka loo ogolaado inay gurmad gaadhsiiyaan dadka ay waxyeeladu ka soo gaadhay collaada ka jirtay waddankaasi.
Dhowr heshiis oo horay loo saxeexay ayaa burburay, waxaana dagaalka sokeeya ee dalkaasi lagu dilay tobonaan kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.
Dhammaan isku-dayadii hore ee lagu doonayay in lagu gaadho heshiis nabadeed oo dhexmara madaxweyne Salva Kiir iyo ninka sida weyn uga soo horjeedo Riek Machar ayaa guuldareystay.
In ka badan hal malyan oo qof oo u dhalatay Suudaanta Koonfureed ayaa u qaxay dalalka dariska la ah, iyada oo hay’addaha gargaarkuna ay ka digeen cuna yari ba’an.
Xabad joojintaan ayaa ka dhigan tallaabadii ugu horreysay oo lagu guuleysto, waxaana xigi doono wadahadalo kale oo haddii guul laga gaadho, ugu dambeyn la qaban doona doorashooyin.