Shacbiga Somaliland oo ku Diirsaday Go’aan Xukuumaddu ku Dawaynayso Gunaadka Sicir-bararka ka Jira Dalka

0
382

Hargeysa(Dawan)-Shacbiga reer Somaliland ayaa ku diirsaday qorshaha madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi,  uu ku doonayo inuu ku daweeyo qiime dhaca lacagta Somaliland iyo sicir-bararka is barkan ee dalka ka jira oo naafeeyey nolasha bulshada danyarta ah.

Fadhigii labaad ee golaha wasiirrada ee xukuumadda cusub oo qabsoomay Khamiistii isla markaana uu gudoominayey madaxweyne Muuse Biixi, ayaa dood dheer kadib lagu go’aamiyey in guddi shan wasiir iyo guddoomiyaha baanka dhexe ka kooban loo saaro xal u helida  qiime dhaca lacagta dalka. Taasi oo noqonaysa  bilowgii hawlgalka madaxweynuhu ku suulinayo sicir-bararka xadhkaha goostay.

Dadka dhaqaalaha ka faalooda, ayaa aaminsan in Guddidan  looga baahan yahay gacan fudayd iyo inay gole keenaan  talooyin dhaxal gal noqda oo madaxweynuhu ku go’aan qaato, si loo badbaadiyo lacagta dalka ee waddankeeda ku dhex tasowday.

Magacayada Guddida hawshan culus loo xil-saaray waxay kala ahaayeen  Wasiirka horumarinta Maaliyadda, Yuusuf Maxamed Cabdi, Wasiirka Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad, Wasiirka Horumarinta Maalgashiga, Maxamed Axmed Maxamuud Cawad, Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda, Dr Cabdiweli Sh. Cabdilaahi Suufi, Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Xasan Maxamed Cali iyo Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale).

Sidoo kale, waxa ra’yul caamka bulshadu si dhow ula socdaan wareegto uu Arbacadii hore soo saaray wasiirka hawlaha guud, Md.Cabdirashiid Ducaale Qambi oo uu daboolka kaga qaaday in xukuumaddu ay dabagalayso dhulkii iyo guryihii dawladda ee sida sharci darrada ah ku baxay. Waxaana talaabadan loo arkay mid laga fursan waayay,  loona baahan yahay in dawladdu ku dhiirato fulinteeda.

Waxa kaloo bulshadu yiddidiilo ka muujisay  in dawladda dhexe ay goleyaasha degaanka  kala xisaabtamayso siday u maamuleen dhulka danta guud, iyadoo wareegtadii Wasiirka Hawlaha Guud  lagu amray maayarrada magaalooyinka dalka inay dhulka danta guud ee ay hayaan iyo macluumaadkiisa oo buuxa ku soo wareejiyaan ugu dambayn 15 Januray 2018. Halka uu muddo afar bilood ahna ka joojiyay qorshaynta iyo bixinta dhulka danta guud.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply