Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Jabuuti oo Go’aamiyey in Heerka ugu Sareeya la Gaadhsiiyo Cilaaqaadka Labada Dal

0
436

Jabuuti(Dawan)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa shalay xarunta madaxtooyada Jabuuti  ku qaabilay madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga dalkaasi.

Labada madaxweyne waxay ka wada hadleen sidii iskaashiga labada dal loogu sii xoojin lahaa si ka duwan sidii hore. Waxaanay si qoto-dheer uga wada xaajoodeen  in cilaaqaadka saaxiibtinimo ee labada dhinac la gaadhsiiyo heerka ugu sareeya, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha, xuduudaha iyo siyaasaddaba.

Waxa kaloo labada hoggaamiye isla soo qaadeen dhacdooyinka ka jira mandaqadda, arrimaha budhcad baddeeda iyo qodobbo kale oo muhiim ah oo la hal-maala xoojinta iskaashiga labada waddan  ee dariska ah. waxa kulankaasi lagu abuuray guddiyo labada dhinac ka socda oo ka wada shaqeyn doona taabogelinta xidhiidhka laba geesoodka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in booqashada ugu horreysa ee madaxweynaha Somaliland ku  tagay dalkoodu ay muujinayso heerka uu marayo cilaaqaadka labada dal, waxaannu yidhi;  “Madaxweynaha Somaliland booqashada uu ku yimmi  Jabuuti, waxay tilmaan iyo tusaale u tahay horta qaddarinta ay labada shacab isu qabaan iyo kolkii la doortay madaxweynaha Somaliland kadib booqashada ugu horraysa  ee uu dibadda ugu baxay inuu ku yimmi Jabuuti,  taasi waxay na tusaysaa inuu xidhiidhka labada dal yahay xidhiidh aad u fiican oo mustaqbalkiisu fiican yahay.”

“Labada dal waxay doonayaan iskaashi badan inay hirgeliyaan, iskaashigaasina ka adeega bulsho maahee ku dhaqaale oo fiican ayaa maanta noo muuqda, kolkaa waxyaalo badan baanu wadaagnaa, oo ay ka mid tahay badda, dhulka, iyo ganacsiga. waxa kale oo laga hadlay xuduudaha sidii si fiican laysugu furi ahaa iyo sidii labada dadweyne uga talaabi lahaayeen xuduudaha ayaa laga wada xaajooday.

Sidaad ogtahay gobolkeenna dhibaatooyin badan baa ka taagan. iskaashiga nabadda iyo nabadsugida labada dal waa iskaashi loo baahan yahay, la dagaalanka budhcad baddeeda iyo argagaxisaduba, taasina horumarka labada dal ayey qirin-qiir geliyaan oo horumarkaas bay carqaladeeyaan, arrimo kale oo fara badan ayaa imika guddiyadii loo saarayaa oo ay wada fadhiisan doonaan,”ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

 

 

Wasiir Maxamuud, wuxuu xusay in dawladiisa ay u taalo sidii ay u horumarin lahayd xidhiidhka ay la leedhaay Somaliland, waxaannu yidhi;“Guddiyadaas qaarba hore u jiray, kuwo cusubna waa la abuuray, guddiyadaasina imikay fadhiyadoodii qabsan doonaan, sidaan u arkayo mustaqbalka iyo xidhiidhka labada dal aad buu u fiican yahay mar labaad waxaanu leenahay hambalyo dadweynaha Somaliland oo doorashadan adag si qurux badan oo dimuqraadiyad leh uga soo baxay. hambalyo kalena waxaan u jeedinaynaa dadweynaha mar labaad siday nabada dalka u ilaashadaan, nabaddu  aad bay qaali u noqotay gobolkeennii sidaad ogtihiin, dalalka deriska ah dalal badan bay nabadaasi ka maqan tahay, waxaan odhan lahaa Somaliland iyo Jabuuti waa laba dal oo deris ah, laakiin  haddana wadajir iyo walaaltinimo u dhexayso. taasina annaga haddii aanu xukuumadda Jabuuti nahay in aanu xoojinno oo hore u marino ayaa noo taalla.”

 

 

 

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi  Cabdi,  wuxuu halkan (Jabuuti) ku yimmi marti-qaad saaxiibtinimo  oo ahayd mid soo jireenna, caadaddu waxay ahayd in Madaxweynaha Somaliland inay Jabuuti noqoto waddanka ugu horreeya ee uu booqdo, isagoo ku yimmi marti-qaad uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, si wanaagsan ayaa nalloo soo dhaweeyey oo aad iyo aad u qiimo badan, aadna waan uga mahadcelinaynaa Madaxweynaha iyo wasiirradiisa, iyo shacabkaba sidii milgaha lahayd ee naloo qaabilay, maanta halkan shir baanu isugu nimmi labada madaxweyne ay ku kulmeen iyo wufuudii la socotay labaduba, waxyaabo fara-badan baa laga wada hadlay oo la xidhiidha danaha labada dal, sidii laysaga kaashan lahaa dhinac walba.”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire.

Wasiir Sacad wuxuu tilmaamay in labada madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga labada dhinac, waxaannu yidhi; “Waxay ka wadahadleen  dhinacyada bulshada, dhaqaalaha,nabadgelyada laftigeeda, waxaa kale oo aanu ka wada hadalnay arrimo la xidhiidha guud ahaanba gobolka nabadiisa iyo midnimadiisa, si wanaagsan buu shirkaasi noogu qabsoomay jawi wanaagsana, insha allaah  waxaan rajaynaynaa inuu noqdo bilow cilaaqaadka (Somaliland iyo Jabuuti) oo sii xoogaysta oo  ka sii adkaada kii hore aynu lahayn insha allaah.”

Ugu dambayn, madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisa, waxa hadhimo sharafeed ku maamuusay madaxweynaha Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle.

Dhinaca kalena, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisii ayaa booqday dekedda Dooraale iyo dekedda Shiinuhu maalgeliyay ee Jabuuti iyo xarunta free zone-ka oo ah mid ka caagan cashuuraha oo ay maraan xamuulka iskaga gudba dalalka caalamka ee xidhiidhka ganacsi la leh Jabuuti. Kormeerkan madaxweynuhu ku marayey xarunta cashuuraha ka caagan,  ayaa waxa uga warbixiyey Agaasimaha xarunta free zone-ka Jabuuti, Abubakar Cumar Xaddi,  oo madaxweynaha Somaliland u sharraxay sida meeshani u shaqeyso iyo adeegyada ay qabato, iyagoo kulan ku wada qaateen xaruntaas, madaxweynaha iyo agaasimuhu.

Madaxa xaruntaasi  madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ku sharfay kuna maamuusay hadyad sharafeed uu guddoonsiiyay madaxweynaha taaso ka turjumaysay booqashada dhiirigalinta ah ee uu  ku yimmi xaruntooda. Sidoo kale, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo weftigiisu waxay booqdeen dekedda ugu weyn Jabuuti ee Dooraale, halkaas oo ay indho indheeyeen sida ay u shaqeyso marsadaasi waxaana taafaasiil ka siiyay weftiga Madaxweynaha masuuliyiinta dekedda.waxa kaloo  uu booqday dekedda cusub ee dalka Shiinuhu maalgliyey ee caasimadda Jabuuti ku taalla.

 

Madaxweyne Muuse Biixi booqashadiisa Jabuuti, waa tii ugu horreysay ee uu ugu baxo dalka dibadiisa, tan iyo markii loo dhaariyay xilka 13-kii Bishan.

Dawannews Hargeysa office

 

 

 

Leave a Reply