Qisadda: Sirtii Qarsoonayd Ee Basaasadda Rosario Ames! Qaybta 3aad

0
697

Waxa keliya ee la gudbooni waa inay si taxdar leh oo run ah wax u sheegto. Waxay si fiican oo degdeg badan ugu hadlaysay English iyadoon joogsi lahayn, sababtuna waa iyadoo ka mid ahayd midhaha ardaydii dugsiga Maraykanka ah ee Bogota.

Su’aal kasta waxay uga jawaabaysay si wanaagsan iyadoo hal daqiiqo sharax kooban ku bixinaysay, madaama faahfaahintu ay tahay tan ay ku bad-baadayso. Waxayse mararka qaarkood u muuqanaysay mid wareersan oo ka naxsan xaaladda ay markaasi ku jirto.

Waxay  ku kacaysay inay su’aalaha qaarkood diido iyadoo cadhaysan oo weliba murugo ka muuqato. “taasi isaga waydiiya, maxaad aniga arrinkaasi ii waydiinaysaa ma xafiiskiina ayaan ka shaqaynayay  oo aan wax ka ogahay”.

Iyadoo cadhaysan oo quusi ka muuqato ayay kelmadahaasi ka soo baxayeen.

Markay ka jawaabayso su’aalo ninkeeda ah waxay ahayd mid cadhaysan oo rumaysan kari la’a waxa socda. Waxaanay ahayd mid oohinteedu badan tahay oo ka walaacsan khiyaamadda uu dalkiisa iyo caruurtiisa u gaystay.  Markay ka waramayso wiilkeeda Pual ayay isagana inta badan ay ooyaysay. Waxay u waramaysay nooc sidii qof miyir beelay oo aan waxba kala saarayn, niyadeedu kacsan tahay oo aad uga werwersan waa dhacaya.

Codkeedu wuxuu ahaa mid aad u daciif ah, waxaana laga yabaa inay ahayd murugada haysata awgeed.  Waxayse si cad u og tahay wax kastoo socda. Waxay ka war haysaa shirqoolkii gabadha ajanabi ah ay u dhigtay ninkeeda sirdoonka CIA ka tirsanaa si ay u hesho lacag badan taasi oo keentay in la dilo 10 ama in ka badan oo Ruusha ah oo gacan saar la lahaa lana shaqaynayay CIA Maraykanka.

Laakiin wax kasta ma aha kuwo fudud,  sheekaduna waa mid adag oo jidh dil ku lamaan yahay, laakiin haddana warbixinteedu waa mid caqli gal ah oo weliba kooban, waana qiso ay doortay inay metesho oo inta badan ay ka muuqato anshax iyo weliba dhiiranaan.

Sida kiisaska kale ee xidhiidhka leh sharciyada adag, garsoorayaasha Mr.Bobbitss, Menedes iyo O.j. Simpson oo kiiska la socday ayay u cadahay in kiiska Rosario Ames uu yahay mid u baahan in la mariyo badhista “Rorschach test” waana baadhitaan dhinaca maskaxda ah gaar ahaan qaybta shaqaysa marka qofku uu suuxo ama seexdo.

Taasoo  ay doonayaan inay ku waraystaan iyadoo dareenkeedu maqan yahay si loo hello  xogo ay qarinayso marka uu dareenkeedu caadi yahay oo ka badan inta hadda ay sheegtay.

Sida sheeko kastoo ku lug leh CIA, Tani waxay u egtahay inay tahay mid ka wada yaab badan marka la eego dadka metelaya. Waana mid aanad marnaba hubin qofka sheegaaya runtiisa. Haddii gabadha Rosario Ames aanay  been sheegayn, kiiskeedu wuxuu la mid noqonayaa  sida gabadh xaas ah oo haddana six un loola dhaqmay, isla markaaana la khiyaameeyay… La soco

Leave a Reply