Bandhigga Shiidka Shaydaanka Janawari!

0
707

Bandhigan waxaa la qabtaa bishan aynu ku jiro ee Janawari sanad kasta, waxaana lagu soo bandhigaa magaalo ku taalla dalka Spain oo lagu magacaabo Biornal. Bandhigan oo loo yaqaano Bandhigii Jarblas waxa isugu yimaadda dhalinyarada magaaladaasi iyagoo mid kasta gacmaha ku sito xidhmooyin basal ah. Waxaana ay bilaabaan inay ku shiidaan mid iyaga ka mid ah kaasi oo ah shakhsiga ay u doorteen inuu noqdo bartilmaameedka sanadka.

Qofkaasi ayaa xidhan sida caadiga ah dhar adag oo midabo kala duwan oo cajiib ah leh, waxa kale oo wejiga uu gashan yahay qalab aad u fool xun isagoo isu eekaysiinaya Shaydaan. Nikan ayaa bilaabaya inuu ordo oo magaalada ku soo wareego isagoo lagu shiidayo geedka basasha ah.

Bandhigan yaabka leh ayaa xidhiidh la leh caadooyinka khurafaadka gaboobay ee Giriiga, laakiin si rasmi ah looma oga sababta ay u  adeegsan jireen. Inkasta oo magalaadani ay aaminsan yihiin inay sanadka cusub sharkiisa iska fogaynayaan.

Leave a Reply