Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wasiiradda oo Booqday Wershada Sibidhka Berbera

0
402

Hargeysa (Dawan)- Guddiga dhaqaalaha ee golaha wasiirada Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa safar shaqo ku tagay magaalo xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, waxaanay kormeer qiimayn ah ku tageen warshadda sibidhka, si ay u darsaan xaaladda dhabta ah ee warshadaas.

Guddidan oo ka kooban Wasiirrada wasaaraddaha wasaaraddaha, Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kallumaysiga, Beeraha, Maaliyada, Ganacisga, warshadaha iyo dalxiiska, Macdanta iyo tamarta, Jidadka iyo gadiidka, is-gaadhsiinta iyo Tijnoolajiyada iyo Wasaaradda qorshaynta qaranka, ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha gobolka Saaxil, masuuliyinta dawladda hoose iyo sarkaakiil ka socday ciidamada badda iyo mellateriga, waxaana ujeedada weftigan wasiiradda ah  iyo socdaalkooda ka warbixiyay wasiirka wasaradda  ganacssiga  dalxiiska iyo warshadaha  Maxamuud  Xasan Sacad  waxaana u yidhi “Waxaanu halkan idiinku nimi anaggs oo ah guddidii dhaqaalaha  ee golaha wasiiradda, si aanu u qiimayno  kabayaasha dhaqaale ee dawladdu leedahay ee gobolka Saaxil, gaar ahaan magaalada Berbera,  taas oo ay noo  soo igmadeen madxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  si aanu u soo eegno xaalka iyo xaqiiqda  dhabta ah ee ay ku  suganyihiin.”

Guddigan ayaa waxa ay booqdeen Wershada Sibidhka ee magaalada Berbera, waxaana la filayaa in ay maalmaha soo socda kormeer shaqo ku soo maraan goobaha kale ee kaabayaasha dhaqaale ee magaalada Berbera.

Kormeerka sagaalka Wasiir ayaa  noqonayaa kii ugu ballaadhnaa ee wefti wasiirro ah oo intaa leegi ay ku tagaan magaalada Berbera, tan iyo markii uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply